Kenya oo muwaadiniinteeda ku dishay xeebaha Soomaaliya

Nairobi (Keydmedia) - Sida ay qortay wakaaladda Wararka ee Shinwa ee dalka Shiinaha wararka uu faafisa 7 ruux oo kaluumaysato reer Kenya ayaa ku geeriyooday kadib rasaas ay ku fureen ciidamada Kenya xilli ay ku sugnaayeen meel u dhaw xeebaha deegaanka Raas Kambooni ee gobolka Jubbadda hoose
Warar Keydmedia Online

Ehelada qaar ka mid ah kaluumaysatada ku geeriyooday falkaan ka dhacay xeebaha Soomaaliya ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Shinwaa in ciidamada badda ee Kenya ay si ula kac ah rasaas ugu fureen doonida oo xilligaasi maraysay meel u dhaw jaziiradda lagu magacaabo Kiunga ee dalka Kenya sidoo kalena ku taala nawaaxiga Raas Kambooni oo Soomaaliya ku taala

Saciid C/raxmaan nin la yiraahdo oo sheegay in walaalkiis uu ka mid kaluumaysatada geeriyootay ayaa Shinwaa u sheegay in kaluumaysatadaan oo 9 ruux ka koobnaa ay markii horeba ka baxeen magaalada Mombasa isla markaana ay hawlo kaluumaysi u badda u galeen

Labo kaluumeyste oo ka bad baaday falkaasi galinkii dambe ee Khamiistii ka dhacay xeebaha Soomaaliya ka dhacay ayaa ayagoo dhaawacan oo dubaal ku tagay jaziiradda Kiunga ayaa iyanaga u sheegay booliska in ciidamadu ay mar qura rasaas huwiyeen kadibna ay dhalisay dhimasho iyo dhaawac labada ruux ee dhaawaca ahna haatan waxaa lagu daweynayaa Isbitaal Nairobi ku yaala.

Madaxa hay’adda dambi barista ee magaalada Mombasa Ambrose Munyasia, ayaa asnasheegay in kaluumaysatadaan ay maalmo ka hor iska diwaan galiyeen iskaashadda kaluumaysatada Mombasa

Ciidamada badda ee Kenya ayaa dhawaan sheegay inay dajiyeen doon shidaal u siday Al-Shabab oo ku sii jeeday jaziiradda Kudhaa isla markaana ay dileen 18 dagaalyahan oo Shabab ka tirsan.

Keydmedia.net - Xafiiska Nairobi

 

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.