KON Exclusive: Sheekh Shariif oo Waji Gabax aad u daran kala kulmay Prof. Jawaari

Muqdisho (KON) - Madaxweynaha uu wakhtigiisu dhamaaday ee Shariif Sheekh Axmed ayaa xalay waji gabax aan horay ugu dhicin waxaa uu kala kulmay Gudomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyada Soomaaliya Prof. Maxamed Cusmaan Jawari kadib kulan ay labadaan masuul ku wada qaateen hoyga uu magaalada Muqdisho ka degganyahay Gudoommiyaha Baarlamaanka.
Warar Keydmedia Online

Kulanka oo ka dhacay xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa waxaa uu Shariif kala hadlay mudane Jawaari sidii uu gacan ugu siin lahaa inuu markale noqdo Madaxweynaha Soomaaliya.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Jawaari ayaa Sheekh Shriif u sheegay inuu isagu la shaqeyn doonin qofkuu doono ha ahaadee midkii loo soo doorto Madaxweyne, balse uusan isagu hadda Shariif ku gacan siin karin inuu markale Madaxweyne noqdo.

Musharx Sheekh Shariif ayaa waxaa uu sidoo kale Prof. Jawaari uu kala hadlay sababta uu u hor taaganyahay Xubnihii u badnaa qal qablayaasha ee dhankiisa ka socday ee Baarlamaanka loo diiday, isagoona Shariif Jawaari ugu baaqay in xubnahaasi uu u ogalaado kamid noqoshada Baarlamaanka.

Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa arrintaasu kaga jawaabay in Baarlamaanka cusub aan lagu dari doonin dad denbiyo kasoo galay umadda Soomaaliyeed.

Sikastaba, kani waa waji gabixii ugu darnaa ee soo mar Shariif Sheekh Axmed intii uu dhadhamiyay Siyaasada Soomaaliya.

Keydmedia Online -Xafiiska,Muqdisho

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.