Keydmedia oo heshay magacyada kacdoon wadayaashii lagu xiray Muqdisho

MUQDISHO(KEYDMEDIA) Baaritaan dheer kadib ayaa warbaahinta keydmedia waxaa u suurta gashay in ay hesho magacyada wadaniyiinti Soomaaliyeed ee xabsiga ku mutay muujinta dareenkooda iyo sida ay uga xunyihiin heshiiskii shirqoolka ahaa ee lagu gaaray Magaalada Kampala ee Dalka Uganda.
Warar Keydmedia Online

Dadka la xiray labadii maalmood ee la soo dhaafay oo marka laga hadlay shacabka ay tiradooda aheyd 18 ayaa keydmedia waxaa u suurta gashay in ay hesho magacyada 14 ka mid ah dadkii la xiray iyo qaarkood sida loola dhaqmay.

 

Max’ed C.llaahi

C.laahi Macaani Axmed

Xasan Shariif- Arday watay dharka iskuulka oo si xun loo garaacay 

Saadaq Salaad

Sagal C.risaaq Biixi- waxaa loo soo jeediyay in la fasaxay sabab la xiriirta aabaheed oo xildhibaan ah, laakiin sagal oo ah qof aqoonyahan ah waxa ay diiday in ay ka baxdo xabsiga iyada oo ay saaxibadeed xiran yihiin, waxaana ay ka dhabeysay sagal go’aankeeda.

C.wali ibraahim Max;ed

Max’ed Muxudiin Calasaw

C/raxmaan  Max’ud Xasan

Saadaq iraad Max’ed

Cabdi Cismaan Max’ed

Abuukar Cabdi Cumar

C.dheere

C.llaahi Wanyaa

Aadan gacameey

 

Sidoo kale dadka la xiray ayaa waxaa ku jiray suxufiyiin ka warameysay dareenka Shacabka ee ku aadan kacdoonka, waxaana suxufiyiintaasi xabsiga la geeyay ka mid ahaa:

Max’ed Amiin Abuukar Cabdi – waxa uu xabsiga ku jiray hal habeen

Axmed Cali kaahiye(Wariye)

C.fitaax Xaashi Nuur(Wariye)

Talaabada ay ku dhaqaaqday Sagal oo ka mid aheyd kacdoon wadayaashii la xiray ayaa ah mid muujineysay sida uu isu badalay dareenka shacabka maadaama xiliya hore dadka Soomaalida ay caan ku ahaayeen ku raali noqoshada in dulmi leysku gacan qabto.

WWW.KEYDMEDIA.NET

 

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.