Khasaare nafeed oo ka dhashay bannaanbaxyadii Somaliland

Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, ayaa ka dhashay dibadbaxyo maanta ka dhacay deggaano ka tirsan Somaliland.

Warar Keydmedia Online
Khasaare nafeed oo ka dhashay bannaanbaxyadii Somaliland

HARGEYSA, Soomaaliya- Gudaha deggaanada uu ka arrimiyo maamulka Somaliland, waxaa maanta ka dhacay bannaabaxyo ballaaran, oo ay mucaaridka iyo taageerayaashooda ku dalbanayeen in waqtigeeda lagu qabto doorashada maamulkaas.

Bannaabaxyadan oo saakay billawday, ayaa la soo werinayaa, in ay ka dhasheen khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, taas oo walaac hor leh abuurtay.

Inta la ogyahay 2 qof ayaa ku geeriyooday bannaanbaxyadaasi, iyadoo ay ku dhaawacmeen dad kor u dhaafaya 10 ruux, oo xaaladooda iminka lagu dabiibayo xarumaha caafimaadka deggaanada ay Somaliland gacanta ku heyso.

Mid ka mid ah dadka dibadbaxa ku dhintay, ayaa ka tirsanaa dadkii bannaabaxa ka dhigayey, bariga magaalada Hargeysa, waxaana meydkiisa la geeyey isbital ku yaalla xaafada New Hargeysa.

Qof kale ee dibadbaxa ku geeriyooday, ayaa isuguna ku sugnaa magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag, waxaana labada qof ay u geeriyoodeen jirdil iyo rasaas ay kala kulmeen booliska Somaliland.

Dhaawac halis ah ayey sidoo kale wajeysaa haweeney ka tirsaneyd dibadbaxyaashii ku sugnaa magaalada Burco, sida ay sheegayaan dhaqaatiir xaaladeeda caafimaad kula tacaaleysa isbital ku yaalla gudaha magaaladaas.

Maamulka Muuse Biixi, ee doonaya muddo kordhinta doorashada dhaceysa bisha November, ayaa ka gaabsaday in ay ka hadlaan khasaaraha ka dhashay bannaabaxyada, waana tallaabo sii cakireysa xaaladda siyaasadeed ee ka taagan, deggaanada maamulka aqoonsi doonka ah.

KEYDMEDIA ONLINE 

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.