Khasaaro ka dhashay dagaalka ka dhacay Sool

Ugu yaraan afar ruux ayaa ku geeriyootay dagaalka oo u dhaxeeyay labo beelood. 

Warar Keydmedia Online
Khasaaro ka dhashay dagaalka ka dhacay Sool

MUQDISHO, Soomaaliya - Ugu yaraan afar ruux ayaa ku geeriyootay dagaal ka dhacay deegaanka Adhi-cadey ee gobolka Sool, halka tiro intaa ka badanna ay ku dhaawacmeen sida dadka deegaanka ku waramayaan.

Dagaalka ayaa u dhexeeyay beelo walaalo ah, kuwaas oo ka soo wada jeedo deegaanka, waxaana la sheegayaa in uu salka ku hayo aanooyin qabiil oo maalmahaan ka jiray deegaanka.

Ciidamada amaanka Somaliland ayaa ka soo baxay magaalada Laascaanood, kuwaas oo ku wajahan, halka ay colaaddu ka aloosantahay, waxaana sidoo kale waan-waan wado wax garadka deegaanka.

KEYDMEDIA ONLINE 

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.