KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Inkastoo runtii la qarinayay muddo dheer kadib ay bannaanka timid, hadana arrinta dhaliyarada loo qaaday Eritrea, ayaa sii murugsanaan karta haddii aysan su’aalahaan muhiimka ah ka jawaabin Rooble iyo Kheyre.
MUQDISHO, Soomaaliya - Kadib markii ay cadaatay in ciidamadii loo qaaday dalka Eritrea, ay qeyb ka noqdeen dagaalkii sokeeye ee ka qarxay Itoobiya dabayaaqadii sanadkii hore, waxaa lagama maarmaan ah in ay aamusnaanta ka baxaan labada Ra’iisul Wasaare ee la soo shaqeeyay Farmaajo, midka hadda Maxamed Xuseen Rooble iyo midkii hore Xasan Xasan Kheyre.
Dadka u dhuun-duleela arrimaha sir-doonka ayaa rumeysan in Ra’iisul Wasaarihii ugu waqtiga dheeraa dalka, burburkii kadib, Xasan Cali Kheyre, uu si weyn kaga warqabay, xaaladdii qarsoodiga ahayd ee dhalinyarada maqan loogu qaaday Eritrea, sidaas daraaddeed, waxaa lama huraan ah inuu ka jawaabo su’aalaha isaga ka quseeya arrinkaan.
RW Kheyre, waxaa looga baahan yahay inuu caddeeyo shan arrimood oo muhiim ah, kuwaas oo kala ah;
Ra’iisul Wasaare Rooble, waxaa isna looga baahan yahay inuu caddeeyo dhowrkaan arrimood oo muhiim ah sida;
Su’aalahan iyo kuwo kale oo badan waxaa qaba waalidiinta dhalay dhaliyarada maqan, oo aaminsan in Rooble iyo Kheyre, ay yihiin labada musuul ee sida ugu fudud u soo bandhigi kara arrinkaan, waxayna ka dalbanaya in ay aamusnaanta ka baxaan qaataanna masuuliyadda ka saraan dhallaankaan Fahad iyo Farmaajo lumiyeen.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.