KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Safarkiisa ayaa yimid kadib markii Madaxda Maamullada ay dhawaan ugu baaqeen madaxda Dowladda Soomaaliya inay kusoo biiraan wadahadalka Dhuusamareeb, ee magaaladda Dhuusamareeb oo go'aan looga gaarayo arrimaha doorashooyinka.
DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Waxaa maanta Dhuusamareeb gaarey wafdi uu hogaaminayo Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo tan iyo shalay laga sugayay magaaladda inuu tago.
Kheyre ayaa a filayaa inuu ku biiro wajiga labaad ee Wadahadallada u dhaxeeya dowladda iyo Maamul Goboleedyada, kuwaasoo ujeedkoodu yahay in heshiis loo dhan yahay laga gaaro nooca doorasho ee ka dhici karta Soomaaliya sanadkan 2020.
Maamullada ayaa sheegay in hadii aan la qaban karin doorasho qof iyo cod ah, ay ku baaqayaan in dib loogu laabto nidaamka awood-qeybsiga qabiilka ku salaysan ee 4.5, oo lagu soo dhisay dowladiihii dalka soo maray tan iyo 20002.
Farmaajo iyo Kheyre waxay dhawaan sheegeen in doorashadda waqtigeeda dhici doonto, oo aanay jiri doonin mudo korarsi, taasoo siyaasiyiinta mucaaradka ka shakiyeen, maadaama waqtiga haray oo 4 bilood ah aan lagu diyaarin karin doorasho, noocay doonta ka hanoqotee.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.