Khilaaf iyo is-qabqabsi ka taagan doorashadda Hir-Shabeelle

Waare ayaa doonaya mudo-korarsi, iyadoo ku xigeenkiisa iyo gudoomiyaha Baarlamanka ay diideen arintaas, waxayna ku adkaysteen in doorashadda waqtigeeda ku dhacdo.

Warar Keydmedia Online
Khilaaf iyo is-qabqabsi ka taagan doorashadda Hir-Shabeelle

JOWHAR, Soomaaliya - Jahweerar iyo khilaaf siyaasadeed ayaa ka taagan doorashadda Hir-Shabeelle, oo la filayay inay qabsoonto bisha soo socota xiligaas oo ku eg mudo-xileedka afarta sano ee Madaxweyne Waare iyo Baarlamanka.

Khilaafka ayaa cirka isku shareeray kadib markii Madaxweyne Waare uu waxba kama jiraan ka dhigay jadwalka doorashadda ee uu saarey gudiga farsamadda, isagoo sabab uga dhigay diidmadiisa in gudiga uu tababar u baahan yahay, sidoo kalena aan dhameystirnayn dhismihiisa, oo gabdho aan ku jirin.

Sida ku cad Jadwalka, Gudiga ayaa go'aamiyay in doorashadda Xildhibaanada Hir-Shabeelle dhacdo inta u dhaxaysa 21-ka illaa 25-ka bishan October 2020, iyadoo Baarlamanka la dhaarin doono 31-ka bishan.

Waare ayaa doonaya mudo-korarsi, iyadoo ku xigeenkiisa Cali Guudlaawe iyo gudoomiyaha Baarlamanka Seekh Cismaan Barre ay diideen arintaas, waxayna ku adkaysteen in doorashadda waqtigeeda ku dhacdo, iyagoo taageeray go'aanka gudiga farsamadda.

Dhanka kale, Wararka ay Keydmedia Online helayso ayaa sheegay in sidoo kale uu jiro khilaaf u dhaxeeyay Beelaha Abgaal iyo Xawaadle, iyadoo sanadkan beesha Xawaadle oo horey u lahayd kursiga Madaxweyne ku xigeenka ay rabto Madaxweynaha.

Hanaanka awood qeybsiga Hir-Shabeelle ayaa ah in Abgaal uu helo Madaxweyne ku-xigeenka maadaama Caasimadda ay tahay Jowhar, sidooo kalena Xawaadle noqdo Madaxweynaha Maamulka, taasoo hadda u muuqato inuu is-bedel lagu samaynayo.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.