Khudbadda Farmaajo ee Golaha Shacabka

Hadal-jeedinta Farmaajo ayaa dalbaday kadib markii uu ku dhawaaqay inuu dib ugu laabanayo miiska wadahadalka, islamarkaana uu diyaar u yahay in dib loo soo celiyo heshiiskii Sep 17 ee doorashadda.

Warar Keydmedia Online
Khudbadda Farmaajo ee Golaha Shacabka

MUQDISHO, Soomaaliya – Waxaa Maanta oo Sabti ah, saacaddu markay tahay Sagaalka Subaxnimo Waqtiga dalka Soomaaliya hortagaya Gollaha Shacabka, Madaxweynaha uu waqtigiisa dhamaadey Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Xildhibaanadda ayaa xalay lagu wargeliyay kulanka maanta, iyadoo fariin loogu diray Taleefonka.

Wadooyinka gala Madaxtooyadda ayaa la xiray, waxaana la dhigay Ciidamo fara badan, oo isagu jira Haramcad iyo Gorgor oo sugaya amaanka, iyadoo la hakiyay dhaq-dhaqaaqa gaadiidka shacabka.

Isha ayaa lagu wada hayaa Khudbadda Farmaajo, oo dadku ay u dheg-raaricinayaan is-casilaadiisa, iyadoo dhanka kale la hadal-hayo xilka-qaadista Rooble, inkastoo gudoonka gollaha shacabka beeniyay.

Hadal-jeedinta Farmaajo ayaa dalbaday kadib markii u uku dhawaaqay inuu dib ugu laabanayo miiska wadahadalka, islamarkaana uu diyaar u yahay in dib loo soo celiyo heshiiskii Sep 17 ee doorashadda.

Waxaa la filayaa inuu Farmaajo ka dalbado Gollaha inuu baabi’iyo qaraarka muddo-kordhinta, sidoo kalena uu soo nooleeyo hindise-sharciyeedkii doorashadda dadban, oo dhaawan la laalay.

Sidoo kale, waxaa dhici kara waxyaabo kale oo lama filaan ah maadaama ajandaha Farmaajo la ogeyn, sida inuu Is-casilo ama taladda ku wareejiyo Rooble, si uu dalka ugu diyaariyo doorasho loo dhan yahay.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.