Kiisaska Coronavirus-ka Soomaaliya oo gaarey 3,072

Waxaa jira hoos u dhac ku yimid tiradii maalin walba la heli jiray, iyadoo mudo todobaadyo ah aan lasoo sheegin wax dhimasho ah oo Virus-ka uu saabay, sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka.

Warar Keydmedia Online

MUQDISHO, Soomaaliya - Tirada kiisaska Coronavirus-ka Soomaaliya ayaa gaartay 3,072 kadib markii 48-dii saac ee lasoo dhaafay ay Wasaaradda Caafimaadka xaqiijisay 13 kiis oo cusub oo laga kala helay Somaliland: 9, Puntland: 3, Banaadir: 1.

Dhimashada wali waxay taagan tahay 93, waxaana cudurka ka bogsaday 1,343. Saameyn dhinac waxbashadda, dhaqaalaha iyo isku socodka ayuu COVID-19 ku yeeshay Soomaaliya, si lamid ah dalalka Caalamka.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.