KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Kiisas aad u tira badan oo kufsi ah, ayaa la diiwaan-geliyey in ay ka dhaceen gudaha Somaliland.
HARGEYSA, Soomaaliya- Gudaha deggaanada Somaliland, waxaa xad dhaaf noqday kiisaska la xiriira kufsiga, oo marba marka ka danbeysa tiradoodu sii kordheyso.
Tirada kiisaska iminka la hayo, ayaa aad uga badan kuwii sanadihii hore, iyadoo 7-dii bilood ee ugu danbeysay la diiwaan-geliyey kiisas kufsi oo gaaraya 286 kiis.
Kufsigan joogtada noqday, ayaa loo sababeynayaa, kororka isticmaalka maandooriyaha oo indhaweydba bulshada Somaliland fara kulul ku hayey.
Maxkamadaha Somaliland oo kiisaskan la geeyey, ayey dhibanayaasha badankood, kala kulmeen eex, iyadoo kiisaska qaarkood aan loo qaadin qaab caddaalad ah.
Muuse Biixi oo arrintan maanta ka hadlay ayaa sheegay, in maamulkiisa aanu aqbali doonin falalka kufsiga ee kordhaya, wuxuuna ku baaqay in hannaan caddaalad ah loo agaasimo xaaladaha iminka gacanta lagu hayo.
Kufisga ku kordhaya gudaha Somaliland ayaa qeyb ka noqonaya, tacadiyada sanadihii ugu danbeeyey ay wehelka u noqdee hablaha Soomaaliyeed.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.