Kismaayo iyo Sadex Madaxweyne // Warbixin

Kismaayo (KON) - Warar Kismaayo naga soo gaaray ayaa waxey sheegayaan in Mudane Cumar Buraale Axmed ay Dadka Deegaanka Jubbooyinka u caleema saarteen Madaxweynaha Maamul Goboleedka Waamo State.
Warar Keydmedia Online

Cumar Buraale Axmed ayaa kamid ahaa Xildhibaanadii Baarlamaanka Soomaaliyeed ee Dowladii KMG.

Siyaasigaan oo kasoo jeeda Gobolada Jubooyinka ayaa la sheegay in Shir ka dhacay Magaalada Kismaayo oo ay kasoo qeyb galeen qeybaha kala duwan ee Bulshada iyo siyaasiyiinta Gobolada Jubooyinka maalintii Shalay loo doortay Madaxweynaha Waamo State.

Afhayeenka u hadlay Cumar Buraale Axmed ayaa sheegay in Ergooyin farabadan oo ka kooban 786 ee Bulshdaa Jubooyinka gaar ahaan Odayaasha dhaqanka iyo Siyaasiyiin  ay u doorteen Madaxweynaha Gobolada Waamo State, waxa uuna xusay in Madaxweynuhu maalmaha soo socdauu soo dhisi doono Madaxweyne Kuxigeenkiisa iyo Golaha Wasiirada.

Siyaasigan ayaa wax kama jiraan ku tilmaamay doorashooyin kale oo shalay ka dhacay Magaalada Kismaayo ee lagu doortay Madaxweynaha Jubaland State waxa uuna xusay in uu yahay mdaxaweynaha Rasmiga isaga uuna matalayo Deegaanada Waamo State wax Jubaland la yiraahdana eesan jirin.

Bare Adan Shire “Bare Hiiraale” ayaa Sadex Maalmood kahor ku dhawaaqay inuu yahay madaxweynaha maamulka Jubaland ka dib doorasho uu sheegay inay ka dhacday magaalada Kismaayo, halkaas oo la sheegay in qaybaha kale duwan ee Bulshada ee ku doorteen.

Sidoo kale, Sh. Axmed-Madoobe oo horay uga tirsanaan jiray Ururka Al-Shabaab ahaana Gudoomiyihii Al-Shabaab ee Kismaayo ayaa ku dhawaaqay inuu ku guulaystay Madaxtinimda Kismaayo. Wuxuuna yiri “Aniga ayaa waxaan ahay Madaxweynaha Rasmiga ah ee Jubbaland“

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.