KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Goobjoogayaal ku suggan magaalada Baraawe ayaa KON u xaqiijiyay in Diyaarad yar oo aan ilaa iyo hadda la aqoonsanin halka ay ka timid iyo dalka laga leeyahay ay maanta ka soo caga dhigatay Garoonka magaalada Baraawe halkaasna ay ka qaaday ragg uu kamid yahay Cumar Xamaami oo ka tirsan kooxda Shabaab ee Al-qaacida.
Wararka qaar ayaa sheegaya in Diyaaradda Abuu Mansuur Al-Amriiki qaadday ay ka timid dhanka dalka Yamen.
Abuu Mansuur Al-Amriiki waxaa waheliya inka badan 15 sargaal oo ka tirsan kooxda Shabaab Alqaacida, waxaana arrintaan ay qeyb ka tahay dhabar jabka ku yimid Shabaab .
Awoodii Al-caada ay ku laheyd Soomaaliya ayaa la wiiqay taasoo hor seedday in xubno badan oo Al-qaacida ka tirsan oo Soomaaliya ku dhuumaaleysanayay ay dalka ka cararaan.
Keydmedia Online - Xafiiska Kismaayo
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.