KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Kooxda Al-Shabaab ayaa sare u qaadday bililihii la soo dhaafay weerarada ay ka geystaan gobolka waqooyi-bari ee dalka Kenya, waxaana la soo warinayaa in uu kordhahay qasaraha weerar dhacay Isniintii.
MANDERA, Kenya – Tirada dhimashada weerar Isniintii la soo dhaafay ka dhacay Mandheera, waqooyi-bari Kenya, ayaa korortay kadib markii Boolisku uu warbixinta amniga ku sheegay in uu geeriyooday Sakaal hor leh taas oo dhimashada ka dhigeysa saddex qof.
Booliska ayaa sheegay in 18 qof oo ay ku jiraan 7 sarkaal oo Boolis ah ay jiifaan isbitaalka kadib weerar gaadmo ah oo ay Al-Shabaab ku qaadeen labo gaari oo basas ah kuwaas oo marayay xadka Soomaaliya iyo Kenya.
Sida Boolisku xaqiijiyay Al-Shabaab ayaa dab qabadsiiyay gaari booliis ah oo ay la socdeen saraakiisha booliska ee galbineysa gawaarida basaska ah ee ay saarnaayeen dadka rayidka ah.
Kolonyada wadada loo galay ayaa ka ambabaxday degaanka Rhamu waxayna kusii jeedeen Banisa, halka ay mashaqadu ku qabsatay ayaana ah deegaanka Kormatto, oo u dhexeeya Olla iyo Serman.
Is rasaaseynta ka dib, waxaa la xaqiijiyay dhaawaca sagaal sarkaal, ka hor inta aysan labo u dhiman dhaawaca soo gaaray oo ahaa mid daran.
Al-Shabaab ayaa inta badan weerarro dhabo-gal ah oo xooggan ku qaada gaadiidka rayidka iyo saraakiisha galbineysa ee ku socdaalaya xuduudda Soomaaliya.
KEYMDEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.