Kooxda Farmaajo oo billowday Xaraashka Hantida Qaranka

Gollaha Abwaanada ayaa Maanta banaanbax ka dhigay afaafka Tiyaatarka, iyagoo sheegay inaysan aqbali doonin in la boobo hantida Qaranka.

Warar Keydmedia Online
Kooxda Farmaajo oo billowday Xaraashka Hantida Qaranka

MUQDISHO, Soomaaliya - Maadaama uu dalka ku jiro xili kala-guur ah, waxay wasiiradda dowladda Farmaajo ee waqtigoodu dhacay Muqdisho ka billaabeen dhaca iyo boobka hantida Qaranka.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Rooble Cismaan Abuukar Dubbe ayaa warqad uu ku saxiixan yahay, oo xafiiskiisa kasoo baxday 27-kii July 2021 lagu sheegay in shirkad lagu magacaabo Xaawo Taako laga kireeyay dhul banaan oo ku yaalla dhabarka dambe ee Tiyaatarka Qaranka.

Shirkadda ayaa loo fasaxay inay dhisato dhulka, oo ay ka sameyso goob Maqaaxi ah, iyadoo arintan ay ka falceliyeen Gollaah Abwaanada oo Maanta Banaanbax looga soo horjeedo dhul boobka ka sameeyay Tiyaatarka hortiisa.

Dubbe go'aankan uu dhulka ku koreeyay waxaa la sheegay inuusan isaga ka imaan, oo la ogyahay Farmaajo, oo awood uu ka heysto, waxaana arintan ay qeyb ka tahay musuq-maasuq iyo maamul xumada Madaxweynaha waqtiga ka dhamaadey.

Dowlad kasta marka uu waqtigeeda dhamaado waxay caan ku tahay inay dhulka danta guud ay xaraashto ama ay shirkado ka kireyso, waxaana caddeyn u ah in dhul ballaaran oo ku yaalla banaanka Garoonka diyaaradaha dhinaca waqooyi laga dhistay Guryo gaar loo leeyahay iyo huteello.

Laga soo billaabo Madaxda sare illaa Maamulka Gobolka Banaadir waxay sameeyaan dhul boob, maadaama ay xafiiska ka tagayaan, waxaana lagu galayaa lacagta dhulka lagu iibiyo doorashadda.

Dowladda Farmaajo waxay dhawaan xaraashtay dhowr block oo ceelal shidaal ah, iyadoo ay bixisay ruqsado ay ku iibisay boqolaal milyan oo dollar, taasoo ku dhacday jeebka madaxda fadhisa Villa Somalia.

Hoos ka akhri warqadda Dubba ku fasaxay dhulka.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.