Kooxda Farmaajo oo billawday qalqal-galin amni

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS ayaa soo saartay war-saxaafadeed ay ku beenineyso waraaq been abuur ah oo lagu baahiyay baraha bulshada, taas oo digniin amni loogu diray saraakiisha iyo howl-wadeennada garoonka Addan Cadde.

Warar Keydmedia Online
Kooxda Farmaajo oo billawday qalqal-galin amni

MUQDISHO, Soomaaliya – Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya ayaa wax kama jiraan ku tilmaantay waraaq saacadihii la soo dhaafay si weyn loogu baahiyay baraha bulshada taas oo lagu sheegay in ay jirto khatar amni oo ka dhan ah garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

War qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Maareeyaha Maamulka iyo Amniga ee Garoonka Aadan Abdulle (Aadan Cadde) ayaa shacabka Soomaaliyeed iyo hay’adaha ay khusayso lagu war-galiyay in aysan jirin waraaq looga hadlayo amniga garoonka oo ka soo baxday Xafiiska Maareeyaha guud ee garoonka diyaaradaha.

“Warqadda la wareejinaayo baraha bulshada loogana hadlayo Amniga Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cabdulle, waa been abuur aan waxba ka jirin, Amniga Garoonka waxaa gacanta ku haya Hay'addaha Amniga Qaranka”. Ayaa lagu yiri qoraalka uu soo saaray Maareeyaha garoonka diyaaradaha, Maxamed Siciid Cabdullaahi.

Saraakiil amni oo xiriir ay la sameysay Keydmedia Online ayaa sheegay in waraaqdaas ay faafiyeen kooxda waarbaahinta u qaabilsan Madaxweynihii hore Farmaajo, u jeedka laga lahaana ay tahay in la qalqal galiyo shacabka adeegsanaya garoonka, shaqaalaha ka howlgala iyo xitaa safaaradaha iyo hay’adaha deggan.

Faarax Cabdulqaadir Maxamed (Gaylan) oo ka mid ah wariyayaasha sida toos ah ula shaqeeya kooxda Farmaajo, isla-markaana dhawaan wareysi ka qaaday eedeysane Fahad Yaasiin ayaa markii ugu horreysay waraaqda soo galay baraha bulshada, kadibna waxaa sii faafiyay shaqsiyaad kale oo isla kooxdaas ku daaban.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.