KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Hadalka qoraalka ah ee ka soo baxay kooxdaasi ayaa lagu sheegay in adeega Zaad uu yahay mid loogu daneynayo Reer Galbeedka isla markaana dhaqaalaha muslimiinta.
Waxaa loogu baaqay Shirkadda Hormuud ee adeegan hirgalisay in muddo ku siman 3 Bilood isla markaana waajib ay ku tahay in horaanta Sanadka soo socada gabi ahaanba adeegaasi la joojiyay.
Talaabadan ayaa la warinayaa in ay ka danbeyay qeyla dhaan xoogan oo ka soo yeertay Shirkadaha Xawila lacagaha oo iyagu ahaa kuwa nidaam madiidin ah ku heysta shacabka isla markaana lacagaha shacabka isaga shaqeysan jiray muddo iyagoo dadka u sheegaya in aan lacagtooda wali la soo dirin.
Shirkada Hormuud ee adeegeeda la xanibay iminka ayaa ah mid dad badan ay rumeysan yihiin cilaaqaad balaaran in ay la leedahay xoogaga Dowlada ka soo horjeeda waxaana dad badan ay arintani ku noqotay fajac.
Waxaa laga war dhawrayaa falcelinta ay shirkadda Hormuud ka sameyso arinkan, waxaana shacabka qaarkiisa ay durbaba saakay bilaabeen in ay dood ka keenaan isticmaalka adeega Zaad service oo ahaa mid si weyn loo adeegsanayay tan iyo horaantii sanadkan.
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.