KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Dad goobjoogayaal ah oo ku suggan degmada Buurhakaba ayaa KON u xaqiijiyay in Maleeshiyaadka kooxda Shabaab ay i toodii badneyd xalay isaga baxeen magaalada, iyagoo u jiheystay dhanka deegaan lagu magacaabo Jameecada Xaaji Xaamud kaasoo ku yaalla halka ay ku kala qeybsamaan gobbolada Bay iyo Shabeellaha Hoose.
Warar kale oo laga helaayo Buurhakaba ayaa soo sheegay in Maleeshiyaadkii Shabaab ee magaalada ka baxay ay galeen dhulka howdka ah ee duleedka magaalada.
Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa ku sii siqaya degmada Buurhakaba iyo deegaano kale taasoo keentay in Shabaab ay baneeyaan degmooyin iyo degaano ka tirsan gobbolada Shabeellaha Hoose iyo Bay.
Keydmedia Online -Xafiiska, Muqdisho
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.