Kooxda Shabaab oo Isaga Baxday Magaalada Jowhar

Jowhar (KON)- Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ee xarunta gobbolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegay in Maleeshiyaadkii iyo Maamulkii kooxda Shabaab ee mudada dheer ka talinaayay magaalada Jowhar uu saaka isaga baxay magaalada kadib markii ay magaalada ku soo dhowaadeen Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM.
Warar Keydmedia Online

Xaalada magaalada Jowhar ayaa kacsan, waxaana ay dadka ku nool magaaladu saaka ku waabariisteen iyadoo uusan jirin wax maamul ah oo magaalada ka arrimiya.

Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo saaka ka soo dhaqaaqay deegaanka Qalimow ayaa hadda soo gaaray duleedka magaalada Jowhar.

Ilaa iyo hadda ma cadda halka ay aadeen Maamulkii iyo horjoogayaashii kooxda Shabaab, hasayeeshee wararka qaar ee na soogaaraya ayaa sheegaya inay ku sugganyihiin meel aan sidaasi uga fogeyn magaalada Jowhar.

Magaalada Jowhar ayaa kamid ahayd meelaha ay ku xooganayeen kooxda Shabaab mudaddii ay dalka ka arrimineysay.

Keydmedia.net Kala soco wararkii ugu dambeeyay ee xaalada Jowhar iyo xaalada dalka.

Keydmedia Online -Xafiiska,Muqdisho

 

 

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.