Kooxda Shabab oo ka baxay Degmooyin ka mid ah gobolka gedo.

BALADXAAWO (KEYDMEDIA) - Wararka ay keydmedia ka helayso degmooyinka luuq, garbaharey, iyo ceel waaq, ayaa sheegaya in halkaasi ay ka baxeen Kooxda Al-Shabab.
Warar Keydmedia Online

Ka bixitaankan ayaa yimid kadib markii ay ciidamada Dowlada iyo kuwa Ahlu Suna oo wada socda, ay si aad ah ugu soo dhawaadeen degmooyinkaas.

Al-Shabab oo gobolada dalka ugu xooganaa gobolka gedo ayaa haatan u muuqdaan kuwa sii liidanaya, kadib dagaalo kala duwan oo ka dhacay qeybo ka mid ah koonfurta Soomaaliya ay ka soo gaareen guul darooyin aysan filayn. 

Keydmedia.net

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.