Kooxo Burcad ah iyo Ganacsato Soomali ah oo ku dagaalamay S/Africa

Johannesburg (Keydmedia) - Iska hor imaad ayaa lagu soo waramayaa inuu ka dhacay Wadanka South Africa, kaasi oo u dhaxeeyay Kooxo Burcad ah iyo Ganacsato Soomali ah oo ku ganacsada Gudaha Wadankaasi.
Warar Keydmedia Online

Iska horimaadka ayaa dhacay kadib markii Kooxaha Burcadka ah ay isku dayeen in ay dhacaan Goobo Ganacsi ah oo dad Soomali ah ku leeyihiin Deegaan hoostaga magaalada Johannesburg,waxaana Iska hor imaadka ku dhawacmay mid ka mid ah Kooxihii Burcadka ah.

Ninkan la dhaawacay ayaa la sheegay in lagu wareejiyay Ciidamada Booliska dalkaasi kadib markii uu dagaalka dhamaaday.

Ganacsata soomaaliyeed ee ku dhaqan Dalka Koonfur Africa oo kadib markii ay la kulmeen dhibaatooyin badan oo isagu jira Dilal iyo Dhac ayaa waxa ay ukal baxeen kuwa dib ugu soo laabta dalka iyo kuwa inta Hub gatay iska difaaca Kooxaha Burcadda ah ee u dhashay dalkaasi.

Keydmedia.net - Xafiiska Nairobi

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.