Kooxo Hubeysan oo Rasaas Khasaare Geysatay Ku Furay Gaari Rakaab Ah

Kismaayo (KON)- Sida ay noo xaqiijiyeen goobjoogayaal ku suggan degmada Diinsoor ee gobbolka Bay kooxo hubeysan ayaa rasaas khasaare geystay ku furay baabuur rakaab ah oo ay saarnaayeen dad shacab ah.
Warar Keydmedia Online

Baabuurkaan la rasaaseeyay ayaa waxaa uu ku sii jeeday magaalada Muqdisho, waxaana jira khasaare dhimasho iyo dhaawac ka dhashay rasaastii ay kooxaha hubeysan ay ku fureen baabuurka rakabka ah.

Ilaa hadda macada waxa ay yihiin kooxaha ka dambeeyay falkaan, balse nawaaxiga degmada Diinsoor iyo qeybo badan oo ka mid ah gobbolka Bay waxaa ku soo laa laabtay falalka noocaan oo kale ah.

Keydmedia Online - Xafiiska, Kismaayo

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.