Kormeer lagu sameenayo Degaanadii laga saaray Al-shabab ee G. Shabeelaha dhexe

Muqdisho (KON) - Maamulka gobolka shabeelaha dhexe ayaa wada kormeer uu ku marayo degaano hore oo kooxda Al-shabab laga la wareegay.
Warar Keydmedia Online

Masuuliyinta dhanka amaanka u qaabilsan maamulkaasi ayaa shegay in ay sameenayan sidii ay kormeer guud ugu sameeyn lahayen degaanadii Al-shabab laga saaray ee gobolka shabeelaha dhexe.

Shacabka degmada Jowhar ayaa loogu baaqay in ay masuuliyinta maamulkasi kala qeyb qaatan arimaha amaanka magaalada Jowhar iyo degaanada gobolkaasi looga itaal roonay maleeshiyada kooxda Al-shabab.

Gobolka shabeelaha dhexe waxa uu kamid yahay gobolka sida awooda ah looga saaray maleshiyaadka Al-shabab.

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.