Ku-xigeenkii Garyaqaanka Guud ee Dowladda oo la Dilay

Muqdisho (KON) - Allaha u naxariistee waxaa rag hubeysan ay xalay toogasho ku dileen Ku-xigeenkii garyaqaanka guud ee dowladda Soomaaliya Axmed Sheekh Nuur Maalin.
Warar Keydmedia Online

Axmed Sheekh Nuur Maalin ayaa Kooxahaan ku toogteen Hotel Ra,adaan oo ku yaalla Waqoojiga Caasimada.

Marxuumka ayaa Labo Nin toogteen xilli uu ka soo baxayay Masjid ku yaala agagaarka Hotel Ramadan ee degmada Yaaqshid.

Kooxo Bastoolado ku Hubeysanaa ayaa markey toogteen Marxuumka, goobta ka baxsadeen.

Dilkan ayaa noqonaya midkii Afaraad oo Asbuucaan gudihiisa ka dhaca magaalada Muqdisho.

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.