Kulamo ka socda Beledweyne iyo Fahad Yaasiin oo kusii jeeda

Guudlaawe ayaa qoriga Caardiisa lagu geeyay Todobaad hore magaaladda Beledweyne, oo uusan cagta dhigin tan iyo doorashadiisii 2020.

Warar Keydmedia Online
Kulamo ka socda Beledweyne iyo Fahad Yaasiin oo kusii jeeda

BELEDWEYNE, Soomaaliya - Waxaa Beledweyne ka socda kulamo gooni-gooni ah oo Guudlaawe iyo Yuusuf Daba-Geed la yeelanayaan Odayaasha dhaqanka iyo Madaxda Malleeshiyo mucaarad ku ah maamulka HirShabeelle, oo magaaladda duleedkeeda fariisamo ku leh, taasoo uu hogaamiye u yahay Jen Xuud oo Muqdisho loo qaadey.

Yuusuf Daba-Geed ayaa la kulmay Maanta Col Nuur Dheere, oo ah taliye sare oo hogaaminayay Malleeshiyada Kacdoonka Hiiraan, iyadoo labada dhinac ay wada galeen heshiis cusub.

Kulanka kadib, Col Nuur Dheere ayaa loogu geeyay Madaxweyne Cali Guudlaawe hoyga uu Beledweyne ka degan yahay, waxaana halkaasi lagu soo afjaray khilaafkii iyo colaaddii jirtay.

Waxay dadka u dhuun-daloola siyaasadda ku tilmaameen tallaabadan mid Fahad Yaasiin ku doonayo inuu si nabad ah Kursigiisa ugu tartamo, kaasoo doorashadiisa ka dhacaysa Beledweyne, oo ah degaan doorashadda 2aad ee HirShabeelle.

Wararkii ugu dambeeyaya yaa sheegay in Fahad Yaasiin uu kusii jeeda Beledweyne, oo dhawaan ka billaabanaysa doorashadda 25-ka kursi ee halkaasi yaalla, kuwaasoo mid kamid ah ku fariisan doono, isagaa bedelaya Faarax C/qaadir oo mudo Xildhibaan u ahaa Beesha Reer Aw-Xasan.

Waxaa xusid mudan in Guudlaawe maalmo kahor xoog lagu geeyay Beledweyne, oo Ciidamada Gorgor iyo Haramcad u diray MW hore Farmaajo, iyadoo uusan ka warheynin RW Rooble.

Guudlaawe ayaan tagin Beledweyne tan iyo doorashadiisa 2020, waxaana ka haystay culeys siyaasadeed iyo diidmo shacabka gobolka ay diideen inuu Madaxweyne noqdo, maadaama Villa Somalia u jebisay nidaamkii awood-weybsiga Maamulka HirShabeelle.

Beesha Guudlaawe [Abgaal], ayaa sida uu qabo heshiiska awood-qeybsiga loo qoondeeyay Madaxweyne ku-xigeen iyo Caasimadda in laga dhigo Jowhar, iyadoo Beesha Xawaadle la siiyay Kursiga Madaxweynaha HirShabeelle.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.