KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Kullankan oo ahaa mid si heer sare ah loo soo agaasiimay islamrkaana ay kasoo qeybgaleen, Waxgarad,Xildhibaano iyo Culumaaudiinka ku nool Gobolka Banaadir ayaa waxaa ka hadlay Gudoomiyaha Hay’adda Culimada Soomaaliyeed Sheekh Bashiir oo sheegay in Dastuurka uusan ahayn mid ku salaysan Diinta Islaamka iyo rabitaanka Ummadda,sidaasi daraadeed waxa uu ka digay in la ansixiyo.
Sidoo kale Xildhibaano uu ka mid yahay C/qaadir Sheekh Ismaaciil oo isna ka hadlay madasha ayaa waxa ay sheegeen in Odayaasha soo xulaya Ergada ansixinaysa Dastuurka soona dooranaya Barlamanka cusub in aysan ahayn kuwa rasmi ah, balse dano gaar ah laga leeyahay.
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka soconaya Shirar iyo Dhaqdhaqaqyo lagu diidyahay Dastuur ku sheega uu wato Mahiiga oo la doonayo in loo sameeyo dalka Soomaaliya.
Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Gaas, IGAD,UN,AU ayaa dhmaan waxa ay Dhegaha ka furaysteen Baaqyadda isdaba joogga ah ee Shacabka Soomaaliyeed ay ku baaqayaan inaan dalka laga ansixin Dastuur aan ku imaan Afti dadweyne oo kasoo horjeeda Diinta Islaamka.
Gooxa iyo Cabashada dadweyne ayaa sii labo jibaarmay kadib markii uu magaalada Muqdisho ka furmay Sabtidii lasoo dhaafay Shirka Odayaasha dhaqanka kaasi oo lagu doonayo in lagu ansixiyo Dastuurka si dowladda ay kaga gudubto Nidaamka KMG ah oo loona helo Dowlad Rasmi ah.
Keydmedia.net - Xafiifka, Muqdisho
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.