Kulane Jiis oo cadaalada ka cararaya oo Xildhibaan noqdey

Fahad Yaasiin ayaa sidoo kale raba inu kursi yaalla Beledweyne uu soo boobo, isagoo kamid ah raggii lagu eedeeyay dilkii Ikraan tahliil Faarax.

Warar Keydmedia Online
Kulane Jiis oo cadaalada ka cararaya oo Xildhibaan noqdey

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa Maanta Dhuusamareeb lagu qabtey doorashadda saddex Kursi, oo kamid ah Gollaha Shacabka, kuwaasoo labo kamid ay kusoo baxeen rag is-haya.

Kursiga HOP40 waxaa ku guuleystay Kulane Jiis, oo Farmaajo qaraabo yihiin, kaasoo ku eedeysan dilkii Ikraan Tahliil, isaga iyo koox uu hogaaminayo Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Kulane Jiis ayaa isaga iyo eedeysaniyaasha kale iyagoo ka cararaya in Maxkamada lasoo taago, ayaa ku biiray Baarlamaanka, waxayna noqdeen Xildhibaanno, si ay u helaan xasaanad.

Fahad Yaasiin ayaa isna noqon raba Xildhibaan, iyadoo Yaasiin Fareey uu noqdey bishii November ee 2021. Doorashadda musuq-maasuqeeda, ayaa u sahashay inay kuraas boobaan.

Kursiga Fahad ee HOP86 waxaa ku fadhiyay Faarax C/qaadir, waxaana degaan doorashadiisu tahay magaaladda Beledweyne, oo dhawaan lagu qaban doono doorashadda 13 Kursi.

Farmaajo ayaa ah Musharax Madaxweyne, oo raba dib u doorasho, isagoo kursiga sanadkii 6aad ku fadhiya, waxaana aad u lumay kalsoonidii shacabka mudadii uu Villa Somalia joogay.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.