Kulankii Baarlamaanka Maanta oo fowdo ku soo dhamaaday

Muqdisho(Keydmedia) Waxaa maanta mudanayaasha baarlamaanka KMG ah ay ku yeesheen gudaha xarunta golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho kulan u jeedadiisa uu ahaa kalsooni siinta R/wasaaraha Cusub.
Warar Keydmedia Online

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Dowladda KMG ah Shariif Shiikh Axmed, R.wasaaraha Max’ed C/llahi Farmaajo iyo gudoomiyaha Baarlmaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan.

Madaxweyne Shariif oo goobta qudbad ka jeediyay waxa uu ka codsaday mudanayaasha Baarlamaanka in ay codka kalsoonida ah siiyaan R.wasaaraha isagoona raja wanaagsan ka muujiyay howl qabadka mustabalka ee R/wasaare Max’ed Farmaajo.

Sidoo kale R/wasaaraha oo goobta ka hadlayna waxa uu sheegay in uu ku dadaali doono sidii ay xildhibaanada u heli lahaayeen xuquuqdooda si waajibkooda ay u gutaan isla markaana wuxuu hoosta ka xariiqay in wax qabad wanaagsan uu la iman doono haddii codka kalsoonida ah loo qaado.

Xildhibaanadi ka qeyb galay kulanka ayaa aragtiya kale duwan ka dhiibtay wadiiqa loo marayo kalsooni siinta R.wasaaraha waxaana 145 xildhibaan ay dalbatay in codka kalsoonida loo qaado qaab fartaag ah iyadoona 43 kale ay codsadeen in qaab qarsoodi ah codka loo qaado.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan oo codbaahiyaha qabsadayna waxa uu si aan ka labalbeyn laheyn codkiisa ugu biiriyay xildhibaanadii tirada yaraa ee dalbaday in qaab qarsoodi ah codka loo qaado taasina waxay cara galisay xildhibaanadii kale ee doonayay in codka si fartaag ah loo qaado.

Waxaa uu sheegay Shariif xasan gudoomiyaha Baarlamaanka in maalinta Sabtida ah kulanka Baarlamaanka leysugu soo laaban doono.

Siysaasiyiin badan ayaa rumeysan in Gudoomiyaha Baarlamaanka uu dhaliishan yahay han siyaasadeeda R/wasaaraha cusub isla markaana uu doonayo jalaafo inuu u dhigo si isbadal uu ugu yimaado isla markaana uu u noqdo mid ka tala qaata arin walboo la joogo Shariif Xasan Shiikh Aadan oo ah nin siyaasada wajiyada badan leh ku caan baxay.

 www.keydmedia.net

 

 

 

 

 

 

 

 

 

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.