Laba kaarla-yaal Fahad Yaasiin uga tagay Amniga Muqdisho

Taliyaha Booliska waxaa wali ku magacaaban Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) oo lagu xasuusto sidii uu qeyb uga ahaa qalalaasihii siyaasadeed ee Farmaajo dalka galaiyay sanadkii hore iyo isku daygiisii ku aaddanaa inuu is hor istaaggo doorashooyinkii dalka.

Warar Keydmedia Online
Laba kaarla-yaal Fahad Yaasiin uga tagay Amniga Muqdisho

MUQDISHO, Soomaaliya – Tan iyo bartamihii bishii October amniga magaalada Muqdisho ayaa u muuqday mid faraha ka baxay, in ka badan 10 qarax ayaa caasimadda ka dhacday 15-kii cisho ee la soo dhaafay kuwaas oo wax-yeello ba’an u geystay dad shacab ah.

Qaraxyada iyo dilalka tooska ah waxaa barbar socda hoobiyayaal lagu miro magaalada, kuwaas oo Dowladdu aysan ‘ka hor tag iyo ka dabatag’ midna sameyn, taasoo abuurtay shaki dad badan qabaan oo ku aaddan in saraakiisha amniga ay qeyb ka yihiin dhibaatada.

Dad badan ayaa ku doodaya in wali amniga caasimaddu gacanta ugu jiro “LABA-SHAARLA-YAAL’ uu Fahad Yaasiin ka tagay oo isugu jira Boolis iyo Nabad-sugid, kuwaas oo macaash ka raadinaya dhiigga shacabka, isla-markaana Kooxda Al-Shabaab u fuliya danahooda.

Taliyaha Booliska waxaa wali ku magacaaban Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) oo lagu xasuusto sidii uu qeyb uga ahaa qalalaasihii siyaasadeed ee Farmaajo dalka galaiyay sanadkii hore iyo isku daygiisii ku aaddanaa inuu is hor istaaggo doorashooyinkii dalka.

Sidoo kale, Amniga Gobolka Banaadir waxaa ku magacaaban Cali Yare Cali oo ah adeegaha ugu weyn ee Farmaajo, halka baraha koontarool ee magaalada aan wali si buuxda loogu sameyn is-beddel, isla-markaana ay ka arrimiyaan Labo-kaarla-yaashii Fahad Yaasiin.

Dowladdu sida muuqata waxa ay xoog badan galisay dagaalka gobollada ka socda ee ka dhanka ah Kooxda Al-Shabaab, hayeeshee, waxa dayacan shacabka caasimadda oo u baahan hay’ado amni oo hooggaankoodu aysan macaash ka raadin dhiigga shacabka.

Sida ay qabaan khuburo amni oo Soomaali ah, Dowladdu sida ay uga faa’iideysatay kacdoonka shacabka Hiiraan, si la mid ah ayay uga faa’iideysan kartaa shacabka gobolka Banaadir oo ka dadaalay dhibaatada amni-xumada ee ay muddada ku hayaan Al-Shabaab.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.