Labo qodob oo muhiim ah oo looga hadlay Shirka Wasiiradda

Shirkan ayaa ah mid ka duwan kuwa dhaca maalinta Khamiista ah, iyadoo uu joogay RW Xamza, oo faray Wasiiradda inay dardar-geliyaan shaqadda.

Warar Keydmedia Online
Labo qodob oo muhiim ah oo looga hadlay Shirka Wasiiradda

MUQDISHO, Soomaaliya - Gollaha Wasiiradda ayaa Maanta yeeshay Kulan gaar ah, oo uu gudoomiyaya Ra'iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre, islamarkaana ay ka qeybgaleen Wasiirro tiro yar.

Shirka ayaa looga hadlay dib u habeynta dhaqaalaha oo si qota dheer loogu lafa-gurey, iyadoo hannaanka deyn cafintu iyo gaaridda isku filnaashno dhaqaale ay ajandaha ugu horeeyeen. 

Soomaaliya ayaa dibadda looga leeyahay $5 biyan oo dollar, oo qeybo kamid ah dhawaan laga cafiyay, iyadoo ay jirto lacag kale oo shuruudo adag lagu xiray, taasoo ay kamid tahay dib u habeynta maaliyadda.

IMF ayaa aad uga taageertay barnaamijka deyn-cafinta oo wali aan gaarin heerkii ugu dambeeyay, balse laga sameyay horumaro badan, oo ay ku jirto kordhinta Canshuurta gudaha iyo miisaaniyadda.

Musuq-maasuq iyo isla-xisaabtan la'aanta ayaa kamid ah caqabadaha dalka dhaqaalihiisa horumarka ka sameyn la'yahay, iyadoo aysan jirin kalsoonid hay'adaha dhaqaalaha aduunka ku qabaan dowladda.

 

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.