Labo ruux oo ku geeriyootay weerar ka dhacay duleedka Muqdisho

Dableyda hubeysan oo la aaminsanyahay in ay AlShabaab ka tirsanyihiin ayaa inta badan weeraro gaadmo ku qaado cCidamada dowladda.

Warar Keydmedia Online

MUQDISHO, Soomaaliya - Raga hubeysan ayaa barqamadii maanta weerar ku soo qaaday askar katirsan booliska deegaanka Garasbaaley oo ku sugnaa meel u dhow Ex-control Afgooye ee duleedka Muqdisho.

Guddoomiyaha deegaanka ayaa Keydmedia Online u sheegay in weerarka uu hal askari kaga dhintay, halka mid kalena uu kaga dhaawacmay. Sidoo kale waxa uu sheegay in iyagana, dhinacooda mid ka mid ah dableydii weerarka soo qaaday ay goobta ku dileen, haatan ay maydkiisa gacanta ku hayaan.

Wixii kusoo kordhaa, kala soco KEYDMEDIA ONLINE.

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.