KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Qaraxaan oo ka dhacay Degmada Xamar weyne gaar ahaan Agagaarka Guriga Hooyooyinka ayaa ahaa mid Xoog badan oo Xaafadoo dhan laga maqlay.
Inta la xaqiijiyey 12 Ruux ayaa Geeriyootay, aydoona tiro intaaso ka badan uu dhaawac soo gaaray.
Labadaan Qarax ayaa loo adeegsaday 2 Gaari oo laga soo buuxiyay Walxaha Qarxa, waxaana lala eegtay Afafka hore ee maqaayadda Village Restaurant oo ku dheggan guriga Hooyooyinka ee magaalada Muqdisho.
Dadka geeriyooday iyo kuwa dhaawacmay ayaa dhamaantood waxa ay ahaayeen Dad Shacab ah oo goobta ka ag dhawaa iyo dadkii ku sugnaa Muqaayada Village oo qaar ka mi yahiin Shaqalaha maqayada uu dhaawac fudu soo gaaray.
UPDATE: Dhimashada ayaa sii kordheyso, waxaana ilaa iyo hada la tiriyay 20 Qof oo Goobta ku dhimatay.
![]()
UPDATE 2 - 40 Daqiiqo kadib: Saraakiisha Booliska ayaa ilaa iyo hada Xaqiijiyeen in 13 Qof ay ku dhimatay Qaraxa, Dadkii ku dhaawacmay ayaa loola cararay Isbitaalada Muqdisho.
Wixii Warkaan kusoo kordha kala soco Keydmedia.net
Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.