Labo Qof oo Lagu Dilay magaalada Boosaaso

Boosaaso (KON)- Labadaan qof ee xalay lagu dilay magaalada Boosaaso ayaa mid kamid ah wuxuu ahaa nabadoon si weyn looga yaqaanay degaanka, halka qofka kalana uu ahaa qof isaga la socday.
Warar Keydmedia Online

Dilkaan ayaa waxaa geystay ragg bastoolado ku hubeysanaa kuwaasoo labadaan ruux ku toogtay  xalay fiidkii bartamaha magaalada Boosaaso.Arrintaan ayaa waxaa ay aad u khal khal galisay qeybaha kala duwan ee bulshada.

Amaanka Boosaaso bilihii ugu dambeeyay wuu soo roonaayay, lamana garanayo ragg ka dambeeyay dilka nabadoonkaan iyo qofka kale ee xalay la dilay.

Keydmedia Online -Xafiiska, Muqdisho

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.