Lacag been ah [False] oo Muqdisho la soo galiyay

Farmaajo iyo Fahad Yaasiin ayaa qaaday tallaabo ay ku burburinayaan dhaqaalaha Muqdisho, waxaana magaalada la soo galiyay malaayiin doolar oo been abuur ah, halka mashiinno iyo daawooyin lagu nadiifinayo lacago sharci darro ah.

Warar Keydmedia Online
Lacag been ah [False] oo Muqdisho la soo galiyay

MUQDISHO, Soomaaliya – Waxaa saacadihii la soo dhaafay siyaaday digniin ka dhanka ah lacag been abuur ah, [False] oo shantii maalin ee la soo dhaafay si weyn loo soo galiyay suuqayada magaalada Muqdisho.

Sida ay caddeynayaan  xogo ay heshay Keydmedia Online, ku dhawaad $50 Milyan oo doolar oo false ah ayaa la soo galiyay caasimadda, si loo dhaco xoolaha ganacsatada dhibaatooyinka kala duwan hareynayaan.

Lacagtaan oo la fahansan yahay in ay wax ka og yihiin laamaha sirdoonka, ayaa sidoo kale, la qorsheynayaa in lagu siro ergada been abuurka ah ee dooraneysa kuraasta ay boobayaan Kooxda Farmaajo, gaar ahan doorashooyinka Baydhabo iyo Dhuusamareeb.

Taliyihii hore ee Nabad-sugidda iyo Sirdonka Qaranka, eedesane Fahad Yaasiin, Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Bayle iyo shaqsiyaad kale oo Farmaajo ku dhow, ayay xoguhu caddeynayaan in ay ku lug leeyihiin faalisada soo gashay Muqdisho.

Taliye ku xigeenkii hore ee NISA, Ismaaciil Daahir Cusmaan, oo si weyn ugu dhuun-duleela arrimaha sirdoonka Soomaaliya, ayaa sheegay in arrintaan keeni doonto dhaqaalo burbur iyo dhaca gabacsato badan oo aan manta foojigneyn.

“Waxaa magaalada ku jirta lacag false ah oo ka badan $30 million. Dowladii la rabay in ay ka hortagto aya ka aamusan, suurto gal ma tahay in ay wax ka ogtahay”? Ayuu yiri Ismaaciil Daahir.

Dhanka kale, lacagtii ugu badneyd ee Black Money ah, [Lacagta Madow] ayaa lagu dhaqayaa Caasimadda, waxaana baraha bulshada lagu baahiyay muuqallada shaqsiyaad mishiinno iyo daawadaa [SSD Chemical Solution], u adeegsanaya nadiifinta lacag aan sharci ahayn.

Sida ay KON, ugu warameen shaqsiyaad xog ogaal ah, lacagaha ugu badan ee hadda lagu dhaqayo Muqdisho, ayaa isugu jira afar nuuc oo kala ah; madow, caddaan, mid leh shaabadda UN Aid iyo mid xanaf la’aan ah.

Lacagahaan waxaa intooda badan gacanta ku haaya askar ka tirsan Ciidanka XDS, kuwaas oo muddo dheer raadinayay shaqsiyaad ay isku hallayn karaan oo u nadiifiya ama kala wareega, maadaama ay khatarteedu badan tahay.

Ciidankaan, waxa ay lacagta ka boobeen, diyaarad 12 october 2015, ku degtay degaanka Carbiska oo u dhexeeya magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye ee gobolka shabeellaha hoose.

Xilligaas waxaa si wadjir boobka lacagta uga qeyb qaatay ciidanka AMISOM iyo kuwo Soomaali ah, hayeeshee, ciidamada XDS, ma aysan qaadan daawada SSD, oo diyaaradda saarneyd, taas oo sababtay in ay muddo dheer hayaan malaayiin dollar oo aysan isticmaali karin.

Dib u dhaca doorashooyinka ayaa kaga daray dhaqaalaha dalka gaar ahaan Muqdisho, kadib cuuryaaminta lagu yahay muddadii uu Farmaajo xaafiiska joogay, hayeeshe, xaaladda ayaa gaari karta halka ugu daran haddii aan laga hor tagin khatarta lacagaha been aburka ah.  

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.