Lafta-Gareen oo aqbalay in Baydhabo lagu qabto Shir khilaaf ka taagnaa

Shirkan ayaa Sheekh Aadan Madoobe ku dhawaaqay 19-kii November 2022-ka, markii uu arkey xaaladaha adag uu maraayo dalka gaar ahaan Koonfur Galbeed.

Warar Keydmedia Online
Lafta-Gareen oo aqbalay in Baydhabo lagu qabto Shir khilaaf ka taagnaa

BAYDHABO, Soomaaliya - Gudoomiyaha Gollaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe iyo Madaxweyne Lafta-Gareen ayaa heshiis ka gaarey khilaaf ka taagnaa shir dib-u-heshiisiin ah oo lagu qabanayo magaaladda Baydhabo.

Shirkan ayaa ku geedaaman shakiyo badan oo ka muujiyay Lafta-Gareen qorshaha Aadan Madoobe, oo ka cabsi qabo in loogu soo dhex-dhuunto, oo Baydhabo la geeyao Roobow oo hub iyo Ciidan wata.

Qoraal uu soo saarey Aadan Madoobe ayaa lagu sheegay in Shirka dib-u-heshiisiinta uu ka furmi doono Baydhabo 5ta bisha January 2023, iyadoo aan la shaacin inuu Roobow tagi doono iyo inkale.

Inta uu ku sugnaa Gudoomiyuhu magaalada Baydhabo wuxuu Sheekh Aadan Madoobe la kulmay Odayaasha Dhaqanka, qeybaha kala duwan ee Ururada Bulshada iyo laamaha amaanka qeybahooda kala duwan. 

Lafta-Gareen ayaa mudo-korarsi sameystay, xili waqtigiisa uu ku egyahay Bishan, waxaana arintaasi diidan Siyaasiyiin ku sugan Muqdisho, oo qaarkood kamid ah dowladda Federaalka Soomaaliya, sida Muktaar Roobow, oo ah Wasiirka Arrimah Diinta iyo Agaasimaha Villa Somalia Xuseen Sheekh.

Baydhabo Garoonka diyaaradaha ku yaalla waa meel aanan ka degi karin diyaarad sida qof Muacaarad ku ah Lafta-Gareen, waxaana la ogeyn in Shirka 5ta bisha January dhacaya ay tagi doonaan siyaasiyiinta ku sugan Muqdisho.

Shariif Xasan Sheekh Aadan [Shariif Sakiin], ayaa kamid ah dadka gadaal ka riixaya isbedelka Koonfur Galbeed iyo in xilka laga tuuro Lafta-Gareen, oo ah haraadiga regime-kii Farmaajo.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.