Lafta Gareen oo gaarey Dhuusamareeb

Waa Madaxweynihii ugu horeeyay, oo ka socda Maamul Goboleedyada oo ka degay Dhuusamareeb, iyadoo la filayo in saacadaha oo aadan wafdiga Farmaajo halkaasi gaaro.

Warar Keydmedia Online

Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, C/casiis Lafa Gareen ayaa ka degay magaaladda Dhuusamareeb, ee xarunta Galmudug halkaasoo la filayo inuu ka furmo wareegga 3aad ee wadahadallada DF iyo Dowlad Goboleedyada.

"Waxaan Nabad tagay Magaalada Dhuus-Mareeb ee caasimada dowlad goboleedka Galmudug , halkaas oo aan uga qeyb galaayo Shirka DFS iyo Dowladaha Xubnaha ka ah DFS ee lagu balansanaa," ayuu ku yiri Lafta Gareen qoraalka bartiisa Twitter-ka soo geliyay.

Lama oga waqti uu furmi doono shirka, oo ahayd inuu maanta billowdo balse u baaqday cilado farsamo iyo khilaaf cusub oo dhinacyada soo kala dhexgalay.

Kala soco wararka Shirka Dhuusamareeb bogga Keydmedia Online.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.