KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Amniga, isku heynta bulshada iyo dagaalka Al Shabaab, dhan walba oo laga eego, Cabdi Casiis Lafta-gareen, ayaa ah mid ku fashilmay hoggaaminta maamulka Koonfur Galbeed.
BAYDHABO, Soomaaliya - Cabdi Casiis Lafta-gareen oo kooxdii gabalkoodu dhacay, markii horeba sifo sharci darro ah, ku saareen kursiga ugu sareeya Koonfur Galbeed, ayaa xilligan la daalaa dhacaya hoggaaminta maamulkaas.
Lafta-gareen, wuxuu dhex taagan yahay fashil midkii ugu sareeyey, wuxuuna dayacay amniga deggaanada uu maamulka Koonfur Galbeed ka arrimiyo, oo iminka maraya meel aad u liidata.
Ma jirto maalin usan dad masaakiin ah oo aan waxba galabsan ku dilin meelaha uu maamulkiisu ka arrimiyo. waxaana ugu danbeysay shalay oo Afgooye lagu dilay, gudoomiye ku xigeenkii hore ee amniga degmadaas Xuseen Jibril, kadib qarax lagu weeraray gaarigiisa, oo marayey aargada Afgooye.
Bishii Luuliyo ee aynu ka soo gudubnay ayaa sidoo kale qarax ismiidaamin ah lagu dilay, gudoomiyihii degmada Marka Cabdullaahi Cali Waafow, wuxuuna qaraxaasi ka dhacay agagaarka xarunta degmada magaalada Marka.
Al Shabaab ayaa inta badan sheegta masuuliyada weerarada ka dhaca deggaanada Koonfur Galbeed, taas oo muujineysa sida ay ugu milmeen hay'adaha kala duwan ee maamulkaas.
Lafta-gareen iyo maamulkiisa, ma jirto wax tallaabo ah, oo ka qaadeen kuwa beegsanaya masuuliyiinta Koonfur Galbeed, welina waa mid ku xiran, maafiyadii xukunka laga tuuray ee ay hoggaaminayeen Farmaajo iyo eeddeysane Fahad Yaasiin.
Waxey xilligan kula taliyeen, inuu xiriir la yeesho Itoobiya, si uu ugu nagaado kursigiisa, una jalaafeeyo dowlada curdunka ah, balse waxaa arrintaasi ka hortaagan oo uu caddaadis adag kala kulmayaa siyaasiyiinta iyo waxgaradka ka soo jeeda Koonfur Galbeed, oo maanka ku haya in aanu ahayn shakhsi ku soo baxaya hoggaaminta maamulkaas.
Ma jiraan ama waa tiro yar siyaasi ka soo jeeda Koonfur Galbeed, oo uu xiriir fiican kala dhaxeeyo Lafta-gareen, taas oo uu ka dhaxli karo, in gadood ama kacdoon bulsho looga tuuro xukunka, iyadoo weli la xasuusan yahay wixii uu dhigay doorashadii boobka ku sifeysnayd ee uu ku soo saartay xildhibaanadii uu rabay in ay u codeeyaan keligii taliye Farmaajo.
Arrinta kale ee xusida mudan ayaa ah, in ay si joogto ah u barakacayaan dadkii ku nolaa deggaanada Koonfur Galbeed, kuwaas oo ka soo cararaya abaaraha iyo xaaladda amni darro ee ka jirta deggaanada maamulkaas, oo qaarkood ay gacanta ku hayaan kooxda Al Shabaab, oo dadka ka qaata baad, isla markaana askareeya caruurtooda.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.