Lafta-Gareen oo la kulmay Ninka Kursiga ka tuuri raba

Baydhabo ayaa la filayay inay doorasho ka dhacdo bishan, oo Lafta-Gareenna si nabad ah ku wareejiyo xukunka, balse ma dhicin, oo mudo-korarsi ayuu sameystay Farmaajo saaxiibkiisa.

Warar Keydmedia Online
Lafta-Gareen oo la kulmay Ninka Kursiga ka tuuri raba

BAYDHABO, Soomaaliya - Waxaa Maanta Baydhabo gaarey Sheekh Aadan Madoobde, gudoomiyaha Gollaha Shacabka oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa magaaladda Xudur, ee G/Bakool.

Qasriga Madaxtooyadda KG ayaa lagu soo dhaweeyay, waxayna kawada hadleen isaga iyo Lafta-Gareen xaaladda degaanka, siyaasadda kacsan sidii loo dejin lahaa iyo doorashadda.

Baydhabo ayaa la filayay inay doorasho ka dhacdo bishan, oo Lafta-Gareenna si nabad ah ku wareejiyo xukunka, balse ma dhicin, oo mudo-korarsi ayuu sameystay Farmaajo saaxiibkiisa.

Lafta-Gareen ayaa la macaadey kursiga, isagoo maray jidkii Farmaajo ee muddo-korarsiga sharci-darrada, waxaana kusoo furmay mowjado mucaarado ah, oo ku wajahan Baydhabo.

Dhiig ayaa ku daatey doorashaddii Lafta-Gareen December 2018, iyadoo kursiga uu ku fariisiyay Farmaajo, oo xiligaas u adeegsaday Musharax Roobow Ciidanka Itoobiya oo soo xiray.

Lafta-Gareen Roobow ayuu uga cabsi qabaa inuu kala wareeggo xukunka, maadaama dowladda Xasan Sheekh awood badan siisay, oo laga dhigay Wasiir galaan-gal leh.

Sheekh Aadan Madoobe aya dhawaan sheegay inuu gogol dib-u-heshiisiin fidinayo, si ay u heshiiyaan siyaasiyiinta reer Koonfur Galbeed, oo hadda aad u kala qeybsan.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.