Laftagareen oo liiqliiqday wax yar kadib bixitaankii Farmaajo

Laftagareen, wuxuu ahaa shaqsiga ugu dhow Farmaajo, marka loo eego hoggaanka maamullada, wuxuuna laf-dhabar u ahaa ololihiisii doorashada, isagoo soo saaray inta badan Xildhibaannada codka siiyay Farmaajo.

Warar Keydmedia Online
Laftagareen oo liiqliiqday wax yar kadib bixitaankii Farmaajo

MUQDISHO, Soomaaliya – Abaabulka kulamo siyaasadeed oo culeys lagu saarayo Madaxweynaha Koofur galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed [Laftagareen] ayaa ka billowday Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, saacado kadib markii saaxiibkiis Maxamed Cabdullahi Farmaajo banneeyay Madaxtooyada Soomaaliya.

Siyaasiyiinta cusleyska saaraya Lafatageen, ayaa u badan shaqsiyaad uu si gaar ah u beegsaday, kana hor istaagay in ay u tartamaan kuraas Baarlamaan heer Federaal iyo xubno, tabasho ka qabay habkii ay u dhacday doorashadiisii dhiiggu ku daatay iyo qaabkii Kooxdii waqtigu ka dhamaaday kursiga ugu xoogtay 2018.

December 19, 2018, doorasho af-duub ah oo ka dhacday Baydhabo, Baarlamanka Koonfur Galbeed, ayaa Madaxweyne u doortay, Laftagareen, waxayna shaqsiyaadka abaabulka ka wada Muqdisho ku doodayaan in ay waajib tahay in doorashada Madaxweynaha maamulkaas la qabto ugu danbeyn dhamaad sanadkaan.

Taas baddelkeeda, waxaa magaalada Baydhabo ka socda kulamo kale, oo lagu taageerayo Laftagareen, waxaana halkaas ku sugan Xildhibaanno uu kuraas u boobay, oo uu ugu horreeyo Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta, Mahad Cabdiraxmaan Aadan, oo dhawaan sheegay inuu gobolka u joogo siduu u difaaci lahaa Lafatagareen.

Sida la rumeysan yahay, Cabdicasiis Xasan Maxamed [Laftagareen], wuxuu noqon karaa Madaxweynaha ugu horreeya ee ay qaaddo seefta kooxda hadda Madaxtooyada gashay, oo si aan qarsoodi lahayn uga soo hor jeedday, habka uu wax ku waday iyo gardarradii uu ku garab siinayay Farmaajo, oo shalay ka huleelay Villa Somalia.

Laftagareen, wuxuu ahaa shaqsiga ugu dhow Farmaajo, marka loo eego hoggaanka maamullada, wuxuuna laf-dhabar u ahaa ololihiisii doorashada, isagoo soo saaray inta badan Xildhibaannada codka siiyay Farmaajo, inkastoo shaqsiyaad uu kuraas u soo siiyay in ay Farmaajo dhisaan ay horyaal u noqdeen is-baddelkii dhacay.

Shaqsiyaadka Laftagareen godobta gaarka ah ka galay, waxaa ugu horreeya Madaxweynihii hore ee Maamulka KGS, Shariif Xasan Sheekh Aadan, Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka, Maxamed Sheekh Cismaan [Jawaari], iyo agaasimaha cusub ee Madaxtooyada, Xuseen Sheekh Maxamuud, kuwaas oo hadda hoggaan u ah is-baddel doonka.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.