Liiska Musuqa iyo kaalinta ay Soomaaliya gashay

Waxaa la shaaciyay liiska waddamada la diriray Musuqa, Soomaaliya waxay ka gashay kaalinta ugu hooseysa, hal waddan oo kaliya ayaa kaga daray Musuqa-maasuqa aadduunka ka jira!

Warar Keydmedia Online
Liiska Musuqa iyo kaalinta ay Soomaaliya gashay

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa la shaaciyay liiska waddamada adduunka ee la dagaallanka Musuq-maasuqa, kaasoo sanadkiiba mar lasoo bandhigo, Isbaheysiga caalamiga ah ee ka dhanka ah musuq-maasuqa ayaa soo saaray warbixin ku saabsan qiimeyn lagu sameeyay wadamada caalamka oo dhan.

Iyadoo lagu guda jiro la tacaalidda caabuqa saf marka ah ee  COVID19 adduunka oo dhan ayaa haddana waddamo badan oo Soomaaliya ay kamid tahay waxay ku guul darreysteen in ay hoos u dhigaan la dagaallanka Musuq-maasuqa halakeeyay xafiisyada dowladda iyo guud ahaan maamullada ka jira waddanka oo dhan ee nidaamka Federaalka awgiis ukala qeybsamay.

Waddamo badan ayaa ku guuleystay oo galay kaalmaha hore la dagaallanka Musuqa, halka waddamo kale oo ay Soomaaliya kamid tahay kor usoo dhaqaaqi waayay, waxayna Soomaaliya gashay kaalinta 179 -aad, celclis ahaana u dhiganta 12% iyadoo dowladaha South Sudan iyo Soomaaliya ay noqdeen labda waddan ee dhaafi waayay celiceliska ladagaallanka 12%.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.