Lix qodob oo xujo siyaasadeed ku ah MW Xasan Sheekh

Xasan Sheekh, waxaa looga fadhiyaa hirgalinta lix qodob oo waaweyn, si uu xal ugu helo mushkiladaha siyaasadeed ee dalka ka aloosan, waxaana si gaar ah isha loogu heyn doonaa, tallaabada 1-aad ee uu u qaado howlaha hor-tabinta u leh.

Warar Keydmedia Online
Lix qodob oo xujo siyaasadeed ku ah MW Xasan Sheekh

MUQDISHO, Soomaaliya – Shan sano oo fasahaad siyaasadeed iyo xasillooni darro ah kadib, ugu danbey hoggaamiyaha Xisbiga UPD, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa loo doortay Madaxweynaha 10-aad ee JFS, waxaana hor-yaalla caqabado xooggan oo ay tahay inuu qodob qodob u dul istaago afarta sano ee uu xilka ugu sarreeya dalka ku fadhiyo.

Qodobadaan oo ah asalka mushkiladda Soomaaliya, waxaa barbar socda kowo farac ah, oo 30-kii sano ee la soo dhaafay soo taagnaa, kuwaas oo aan xal loo heli doonin ilaa si dhab ah loo wajaho lixda qodob ee xididdada xasaradaha iyo xiisadaha siyaasadeed ah, waana qodobbo uu hore wax ka qabashadooda u ballan qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh.

1 - Isku dumidda dadka; [Dib u heshiisiin] Mid ka mid ah baahiyaha ugu weyn ee xilligaan Soomaaliya ka taagan waa isku dumidda dadka oo shantii sano ee la soo dhaafay si aan hore u dhicin loo gala geeyay, MW Xasan, tallaabadiisa 1-aad waa in ay noqoto dhisidda kalsoonida dadka iyo muujinta in Dowladda la wada leeyahay oo aan cidna laga xigin.

2 – Amniga dalka; Madaxweyne Xasan, waa inuu la yimaado qorshe amni oo buuxa, kaasoo dalka looga saarayo ATMIS, amniga lagula wareejinayo Ciidanka Qalabka sida ee Soomaaliya, waxaana qodobkaan saldhig u ah, dhismaha ciidanka iyo la dagaallanka Al-Shabaab, waana xujo uu hore ugu fashilmay xilligii uu ahaa Madaxweynihii 8-aad.

3-Dhammeystirka Dastuurka; Caqabadaha siyaasadeed ee dalka waxaa unug u ah, dastuurka oo qabyo ah, awoodaha qaarna aan kala cadeyn, waana lama huraan in la dhameystiro, si looga gudbo khilaafaadka siyaasadeed oo ay ugu horreeyaan awoodaha Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuridda oo isku milan.

4- Dhismaha Maxakamadda dastuuriga; Si waafaqsan Qodobbada 105(1), 109B ee Dastuurka  iyo Sharci lambar 23 ee 27/06/2016, waa in waddanku yeesho Maxkamad Dastuuri ah oo go’aan ka gaarta murannada la xariira dastuurka iyo fasiraaddiisa, si looga gudbo is qabqabsiyada siyaasadeed, waana shaqo hortaalla MW Xasan.

5- Diyaarinta Doorasho qof iyo cod ah; Mandate-ka labadii dowladood ee la soo dhaafay, waxaa qeyb ka ahaa in ay diyaariyaan doorasho dad-weyne, yeelkeede, ma aysan suura galin, MW Xasan, dhowr jeer ayuu hore u sheegay in doorasho qof iyo cod ah uu qaban doono, haddii uu dib ugu laabto madaxtooyada, hadda waxa ay ku tahay xujo siyaasadeed.

6- Maqaamka gobolka Banaadir; Howlaha hor tabinta u baahan waxaa ka mid ah maqaamka Gobolka Banaadir oo ay ku nool yihiin in ka badan 3 million oo qof, sidoo kale, waxaa isha lagu hayaa daadajinta Fadaraalka iyo habka uu nidaamka cusub ula dhaqmi doono hoggaanka Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.