Lixdii fowdo ee Farmaajo falay oo aan hirgalin!

Farmaajo, wuxuu rumeysan yahay in la’aanta Fahad uusan ku sii jiri karin saaxada siyaasadda, wuxuuna wadaa dadaalladii iyo isku dayadii ugu danbeeyay ee lagu doonayo in Fahad iyo kooxdiisa looga badbaadiyo gacmaha sharciga iyo in ay hor tagaan cadaaladda.

Warar Keydmedia Online
Lixdii fowdo ee Farmaajo falay oo aan hirgalin!

MUQDISHO, Soomaaliya – Si uu u hor istaago in ay caddaalad helaan qoyska Ikraan Tahliil Faarax, oo ah gabar ka tirsaneyd saraakiisha NISSA, kuna maqan gacanka hoggaankii hore ee hay’adda, Farmaajo, wuxuu qaaday lix tallaabo, oo uu uga gol-lahaa inuu ku abuuro xasillooni-darro siyaasadeed, isla-markaana ku daboolo kiiska gabadha maqan ilaa 26-kii Juun.

Hayeeshee, lixda wareegto ee uu soo saaray bishaan, ayan dhaqan galin, waxaana taas badelkeeda hir-galay shan kale oo uu soo saaray Ra’iisul Wasaraha Xukuumadda Xil-gaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble. Hadaba tallaabooyinka uu Farmaajo qaaday ee aan dhaqan-galin ayaa kala ah;

Tallaabada 1-aad, Lixdii September, waraaq ka soo baxday Xaafiis-ka Famaajo, ayaa looga hor yimid xil ka raacdeyntii Fahad Yaasiin, iyo magacaabiddii Taliyaha HNSQ, Bashiir Goobe, ee uu sameyay RW Rooble, wuxuuna Fahad faray inuu sii ahaado hoggaanka ugu sarreeya hay’adda, hayeeshee, tallaabadaasi ma hirgalin.

Tallaabada 2-aad, Todobadii September,  Farmaajo ayaa u magacaabay Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud (Farey), in uu si kumeel gaar ah u hoggaamiyo Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka, qodobkaas isna ma dhaqan galin.

Tallaabada 3-aad, Isla taariikhdaas, wuxuu Farmaajo iclaamiyay kulan ay yeelanayaan Guddiga Amniga Qaranka 18-ka Sebteembar, (Maalin ka hor), si Fahad Yaasiin uu uga horjeediyo, warbixinta Kiiska Ikraan, taas iyana ma suura-galin.

Tallaabada 4-aad, Sideeddii September, wuxuu ka hor yimid xil ka qaadisii Wasiirkii hore ee Amniga Xasan Xundumey Jimcaale, oo shaqada ka eryay Ra’iisul Wasaare Rooble, waraaqdaas iyana waxba lagam soo qaadin.

Tallaabada 5aad, 13-kii September, wuxuu magacaabay guddi uu sheegay in ay baarayaan kiiska Ikraan, u jeedkiisuse ahaa in lagu hor istaago, baarista socota ee xeer-ilaalinta CQS, waddo, magacaabiddaas, iyana malaggeeda ayaa galay.

Tallaabada 6aad, 16-kii September, wuxuu soo saaray waraaq uu ku sheegayo inuu hakiyay awoodaha Ra’iisul Wasaaraha, hayeeshee taas ayaa iyana hir-galin.

Dhanka kale, waxaa dhaqan-galay dhamaan qodobadaan kuwa lidka ku ah ee ka soo baxay Xaafiiska Ra’iisul Wasaha Xukuumadda Xil-gaarsiinta sida;

  • Shaqo ka ka raacdeyntii Fahad Yaasiin iyo magacaabiddii Bashiir Goobe.
  • Magacaabiddii guddiga baaraya kiiska Ikraan Tahliil Faarax.
  • Xil ka qaadistii Xasan Xundumey iyo magacabidd Cabdullahi Maxamed Nuur.
  • Iyo ka hor imaanshihii waraaqdii owood hakinta ee ka soo baxday Farmaajo.

Tallaabooyinkaan iyo dhacdooyinkaan is-daba socda ayaa la micno ah, in la joogo xilligii uu Farmaajo gar-waaqsan lahaa, in amarkiisu uusan ka shaqeyn Karin dalka, isla-makaana awoodaha oo dhan ay gacanta ugu jiraan Ra’iisul Wasaaraha.

Farmaajo, wuxuu rumeysan yahay in la’aanta Fahad uusan ku sii jiri karin saaxada siyaasadda, wuxuuna wadaa dadaalladii iyo isku dayadii ugu danbeeyay ee lagu doonayo in Fahad iyo kooxdiisa looga badbaadiyo gacmaha sharciga iyo in ay hor tagaan cadaaladda.

Kooxda Fahad iyo Farmaajo hoggaamiyaan, ayaa rumeysan in kaliya waddada ay ku badbaadi karaan ay tahay in Caasimaddu ay marti-galiso dagaallo khataar oo muddo socdo, kana saameyn bata kiiska Ikraan, si loo laabo baaritaanka uu wado xaafiiska xeer-ilaalinta Ciidamada Qalabka sida.

KEYDMEDA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.