Loolanka Imaaraadka, Sacuudiga iyo Qatar ee Soomaaliya

Sacuudiga ayaa shalay safiirkiisa yimid Muqdishi, isagoo warqadaha aqoonsiga uu ka gudoomay Farmaajo, waxaana Xukuumadda Riyadha dib u furtay Safaaradeeda Soomaaliya.

Warar Keydmedia Online
Loolanka Imaaraadka, Sacuudiga iyo Qatar ee Soomaaliya

MUQDISHO, Soomaaliya - Soomaaliya ayaa noqotay saaxad ay ku dagaalamaan Wadamada is-haya ee Khaliijka Carabta, kuwaasoo dano istaraatiiji ka leh dalkan dhaca Geeska Afrika.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Cabdisaciid, ayaa talefoonka wadahadal kula yeeshay Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Imaraadka Carabta Sh. Shakhboot Nahyan Al Nahyan shalay.

Waxay wada-hadlay hagaajinta xiriirka labada dal iyo muhiimadda ay labada dowladood u leedahay horumarinta xiriirka labo geesoodka ah, iyagoo isdhaafsaday aragtiyo waxtar u leh.

Waxaana Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya uu ugu hambalyeeyay Wasiiru-dowlaha ka mid noqoshahooda Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay horraantii bishan January.

Imaaraadka ayaa isku dayaya in Albaabkii Fahad iyo Farmaajo ka xireen shan sano kahor inuu dib u furo, isagoo ka faa'ideysanaya inta uu xafiiska jooga Ra'iisul Wasaare Rooble.

Rooble ayaa dhawaan ka raali-geliyay Imaaraadka lacagtii looga qabtay Garoonka Muqdisho April 2018, isagoo balan-qaadey inuu dib ugu soo celinayo, inkastoo Farmaajo diidan yahay.

Sacuudiga ayaa shalay safiirkiisa yimid Muqdishi, isagoo warqadaha aqoonsiga uu ka gudoomay Farmaajo, waxaana Xukuumadda Riyadha dib u furtay Safaaradeeda Soomaaliya.

Qatar ayaa horey u joogtay Soomaaliya, oo labada dal uga saameyn badnayd mudadii Farmaajo Madaxweynaha ahaa, iyadoo hadda soo wajahay loolan cuusb oo cabsi ku haya.

Dowladda Qatar ayaa waxay saameyn ku lahayd oo ku adkaatey labadii doorasho ee ugu damabeysay Soomaaliya, tii Xasan Sheekh kusoo baxay 2012 iyo midii Farmaajo Feb 2017.

Sacuudiga iyo Imaaraadka ayaa hadda boorka iska jafay, oo dib ugu soo laabtay Soomaaliya, iyagoo wata Musharixiin gaar ah, oo ay doonayaan inay soo saaraan doorashadda sanadkan.

Marka la eego xagga wax u qabashadda Soomaaliya, waxaa Qatar uga wanaagsan Sacuudiga iyo Imaaraadka oo mashariic dadka lagu caawinayo iyo kuwa horumarineed ka sameeyay.

Imaaraadka Ciidanka Soomaaliya ayuu tababar siin jiray, Isbitaal weyn ayuu Muqdisho ka furay, iyadoo DP World maalgelin ku sameysay Dekadaha ku yaalla Boosaaso iyo Berbera.

Sacuudiga Iskuullo, Masaajido iyo meel dadka lagu quudiyay ayuu dalka ka dhisay mudadii burburka, waxaana uu dowladda siin jiray lacag lagu kabayo miisaaniyadda sanad walba.

Laakiin, Qatar waxay kaliya diirada saartay danaheeda gaarka, iyadoo wax qabadkeedu yahay dhismaha jidad 30-KM ah oo magaaladda Muqdisho ku xira degmooyinka Afgooye iyo Balcad.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.