Loollanka dalalka Carbeed oo laba-kacleeyay

Dowladda hadda xilka wareejineysa, waxa ay si weyn ugu gal-galatay, xiriirkii soo jireenka ahaa ee Imaaraadka Masar iyo Sucuudiga, sababo la xariira fulinta danaha gaarka ah ee Qatar, waxaana la saadaainayaa in wax weyn iska baddelaan qorshihii hore.

Warar Keydmedia Online
Loollanka dalalka Carbeed oo laba-kacleeyay

MUQDISHO, Soomaaliya – Loollanka dalalka Carbeed iyo Turkiga ayaa laba-kacleeyay, xilli uusan wali xaafiiska la wareegin Madaxweynaha dooran ee Soomaaliya Xasan Sheekh, kaasoo Axddii Baarlamaanka 11-aad u doorteen inuu noqdo Madaxweynaha 10-aad.

Dhamaan hoggaamiyayaasha dalalkaan, ayaa tahniyad deg-deg u soo diray MW Xasan, waxayna si isku mid ah ugu hambalyeeyeen guusha iyo in loo doortay hoggaanka waddan ay indhaha ku hayaa dalalka caalamka oo dhan, maadaama uu ku yaal goob istiraatiiji ah.

Sidoo kale, waxaa booqasho is daba-joog ah ugu tagay hoyga uu ka deggan yahay Caasimadda, danjirayaasha Turkiga, Qatar, Sacuudiga iyo Isutagga Imaaraatka Carabta u fadhiya Soomaaliya, kuwaas oo dhankooda la wadaagay hambalyada guushiisa.

Dalalkaan, ayaa si weyn u daneeya arrimaha Soomaaliya, waxaana la filayaa in xiriirkii Diblumaasiyadeed ee ay dalka la lahaayeen shantii sano ee la soo dhaafay wax laga baddelo, gaar ahaan xiriirkii dalalka Qatar, Sacuudiga iyo Isutagga Imaaraatka Carabta.

Dowladda hadda xilka wareejineysa, waxa ay si weyn ugu gal-galatay, xiriirkii soo jireenka ahaa ee Imaaraadka Masar iyo Sucuudiga, sababo la xariira fulinta danaha gaarka ah ee Qatar, waxaana la saadaainayaa in wax weyn iska baddelaan qorshihii hore.

Madaxweynaha dooran ee Xasan Sheekh, wuxuu hore ugu ololeeyay in uu xoojinayo xiriirka gudaha iyo caalamiga, waxaana hal-ku-dhig u ahaa “Soomaali Heshiis ah, Dunidana heshiis la ah”, yeelkeede, waxaa la filayaa in kaalintii Qatar uu buuxin doono Imaaraatka.

Madaxweyne Xasan wuxuu ka mid yahay siyaasiyiin fahansan danaha dalalka Carebeed ka leeyihin Soomaaliya iyo kuwa Soomaaliya ka leedahay, sida uu dhowr jeer ku dooday, waxaana la fahansan yahay inuu u janjeero dalalka Imaaraadka, Sucuudiga iyo Masar.

Soomaaliya waa dal ku yaalla goob adduunka muhiim u ah, dalku wuxuu leeyahay xeebta ugu dheer Afrika, waaxaaana kaabaya marin biyoodyo caalami ah oo adduunka oo dhan indhaha ku hayo, sida Baabul-mandab oo in ka badan boqolkiiba 20% ganacsiga adduunka oo dhan maro sanadkii.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.