Looma baahna doorashada kuraasta dhiman - Larry Andre

Wareysiga Larry Andre, ayaa ka dhigan inuu xoojiyay, hadalkii Afhayeenka guddiga dorashada heer-federaal, Axmed Aadan Safiina, ee ahaa in haddii kooramku buuxsamo ay dooranyaan Guddoonka baarlamanaka iyo Madaxweynaha.

Warar Keydmedia Online
Looma baahna doorashada kuraasta dhiman - Larry Andre

WASHINGTON -  Safiirka cusub ee Maraykanka u jooga Soomaaliya Larry Andre, oo wareysi siiyay laanta afka Soomalaiya ee VOA, ayaa ka mid noqday shaqsiyaadka soo jeedinaya in la dhaariyo Xildhibannada hadda diyaarka ah, si ay u doortaan hoggaannada Golayaasha iyo Madaxweynaha.

Larry Andre, wuxuu sheegay in aan loo baahneyn in wixii xilligaan ka danbeeya marmarsiyo laga dhigo doorashada kuraasta dhiman, maadaama 90 boqolkiiba ay diyaar yihiin xubnaha ka mid noqonaya Baaramaanka 11-aad ee JFS.

Danjiraha Mareykanka, wuxuu ayiday, jadwadlka Guddiga doorashada heee Federaal, kaas oo dhigaya in 14-ka bisha soo socota ee Abriil la dhaarinayo xildhibaanada cusub, si ay u gutaan waajibaadkooda ka billaabanaya doorashooyinka.

Wareysiga Larry Andre, ayaa ka dhigan inuu xoojiyay, hadalkii Afhayeenka guddiga dorashada heer-federaal, Axmed Aadan Safiina, ee ahaa in haddii kooramku buuxsamo ay dooranyaan Guddoonka baarlamanaka iyo Madaxweynaha.

Madaxa Bangiga Adduunka ee Soomaaliya Kristina Svensson iyo danjiraha Mareykanka Lary Andre, ayaa labo maalin a hor muujiyay walaaca laga qabo in qorshaha dib u habeynta dhaqaalaha Soomaaliya uu dib u dhac ku imaan karo, marka la gaaqro bartamaha May, haddii aan ka hor la dhameystirin doorashooyinka.

Safiina, wuxuu hore u sheegay in aan loo joojineyn khilaafka siyaasadeed ee Garbahaarey doorashooyinka dalka, hayeshee, maamullada Galmudug iyo Koofur galbeed oo Farmaajo ku daaban ayaa ka hor yimid tallaabadaas iyo guud ahaan jadwalka FEIT.

31-ka Maarso oo berri ku beegan ayaa Guddiga Dorashada FEIT, laga sugayaa in ay ku dhawaaqaan natiijada kama danbeysta ah ee Xilidhibaannada Labada Aqal, halka ay 2 April, Xildhibaannada ugu yeerayaan in ay ku soo xaroodaan Muqdisho.

Ugu yaraan saddex meelood labo tirada guud ee Gole walba ee Baarlamaanka Federaalku waa inay joogaan u codaynta doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka, tiro intaas ka badan ayaana hadda diyaar ah waana la aadi kara doorashooyinka sare.

10 kursi oo baaqi ku ah, Hirshabeelle, ayaa la filayaa in la soo gabagabeeyo ka hor 14-ka April, halka 16 kursi oo degaan doorashadoodu tahay Gedo, ay u xayiran yihiin durbaanka qabyaaladeed ee Farmaajo, kaas oo muddo hor taagnaa doorashada Garbahaarrey.

249 kursi oo 51 dumar yihiin, ayaa ilaa hadda dooran, kuraata Golaha Shacabka, waxayna  90.5%, boqolkiiba ka yihiin tirada Golaha oo ah 275 kursi, 4 kursi oo FIEIT hakisay ayaa ku jira, waxaana dhimman doorashada 26 kursi.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.