M/Soomaaliya oo rajo aad u wanaagsan ka muujiyay shirka London

Mudisho (KON) Madaxweynaha dowlada Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shaaca ka qaaday in dowladiisu ay dadaal weyn ugu jirto sidii ay u abuuri lahayd wada dhaqayn dhab ah oo dhexmartay dowlada dhexe ee federaalka iyo maamulada dalka ka jira.
Warar Keydmedia Online

 

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowlada ay wadahadalo toos ah la yeelatay dhamaanba maamulada ka jira wadanka idla markaana ay waxyaabo badan isku afgarteen.

Wuxuu sheegay madaxweynaha in dowladiisa ay doonayso inay isku keento dhamaanba maamulada dalka oo ay dowlada si wanaagsan ula shaqeeyaan.

Sidoo kale madaxweynuhu wuxuu rajo wanaagsan ka muujiyay shirka London wuxuuna sheegay in shirkaasi uu rajaynayo in ay ka soo baxaan qodobo muhiim ah oo Soomaalida wax badan u taraya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa carrabka ku adkeeyey in dowlada uu madaxda ka yahay ay soo dhaweyneyso cid walba dooneysa iney fikir iyo talo ku biiriso,madaxweynaha ayaa ku celceliyey in bulshada Soomaaliyeed looga fadhiyo iney soo afmeeraan khilaafka ka dhexjira,isla markaane ay wax walba ku dhameystaan wada hadal iyo is af-garad.

keydmedia Online xafiiska Muqdisho

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.