KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Madaxweyne Xasan ayaa "Shirka Kismaayo" ku tilmaamay mid sharci daro ah oo aan waafaqsaneen dastuurka dalka u yaal wuxuuna shaaca ka qaaday in shirkaasi uusan ahayn mid ay dani ugu jirto umada Soomaaliyeed.
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inuu ka baqdin qabo in shirkaasi uu iska horkeeno bulshada Soomaaliyeed ee ku wada dhaqan gobolada Jubooyinka iyo gobalka Gedo.
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa ku daray in dowladiisu ay u taagan tahay hirgalinta Dastuurka dalka wuxuuna si cad u sheegay in shirka Kismaayo uu yahay mid aan waafaqsaneen Dastuurka dalka.
ugu danbeyntii madaxweynaha ayaa ka dalbaday dadka ku hawlan shirka maamul u samaynta Jubaland ee ka socda magaalada Kismaayo iney shirkaasi ka weeciyaan habka uu xiligan ku socdo ee ah dhisida maamul goboleed isla markaana u badalaan shir dib u heshiisiineed.
Keydmedia Online Xafiiska Muqdisho
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.