KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Gaagaab iyo shaqsiyaadka la mid ah waa gafanayaal ku naaxay dhiigga reer Muqdisho, waa rag sad-buri u qooqa, naas-nuujin doonka iyo dhaqaala raadintu madax martay, waa ma dhargayaal aan xishoon oo cid YAC iska tiraahda waayay.
MUQDISHO, Soomaaliya - Senator Maxamed Cali Yusuf (Gaagaab) oo ah Senator-ka ugu da’ada weyn Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka 11-aad ee JFS, ayaa si aan xishood lahayn meel fagaare ah uga sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu Puntland ka ilaaliyay kuraasta heer federal ee dhaqaalaha laga helo.
Senator Gaagaab oo foodda sii galinaya da’aadda 80-aadka, wuxuu qarsan waayay damaca dhaqaala doonka ah ee ku jira iyo sad-bursiga uu maamulkiisu ku doonayo in loo xiro waxa uu ugu yeeray ilaha dhaqaalaha iyo kuraasta dhacdhaca leh, taasoo ka dhigan inuu bannaanka keenay xanta ah in Muqdisho tahay magaalo loo soo shaqo tago.
Wuxuu Madaxweynaha Soomaaliya ku eedeeyay inuu beeshiisa ka safay kuraasta nacfiga leh isla-markaana uu Puntland kaliya siiyay Wasiirka Arrimaha Dibadda, Gaagaab wuxuu dafiray kuraasta ay heleen beelaha kale ee Daarood wuxuuna is-barbardhig ku sameeyay kuraasta Hawiye helay iyo kuwa Puntland heshay, taasoo aan maan-gal ahayn.
Haddii hadalkiisa loo raaco, Gaagaab wuxuu iska indho-tiray in beesha uu ka soo jeedo Madaxweynaha hadda talada haya ay kaligeed xaq u leedahay in la siiyo dhamaan kuraasta dhaqaalaha gaarka ah laga helo haddiiba ay jiraan kuraas ceynkaas ah, maadaama ay tahay beesha kaliya ee marka horaba dhaqaalahaas canshuur ahaan looga qaado.
Senator Gaagaab wuxuu hore u soo noqday Madaxweyne ku xigenka Puntland iyo Wasiirka Maaliyadda Maamulkaas, waligiis canshuur uu ka soo aruuriyay Bari iyo Nugaal ma uusan keenin Muqdisho, hayeeshee wuxuu u dagaallamayaa in canshurta laga qaaday hooyooyinka caasimadda, akoonno gaar ah looga buuxiyo reer Garowe.
Miisaaniyadda dalka Marka laga soo tago kabka dibadda, 70% waa Canshuurta dadka degan Muqdisho, 85% dhaqaalhaas waxaa qaata Wasaarada Maaliyada DF, lacagtaas ay qaaddo Wasaaradda Maaliyadda waxaa ku jirta kunanaanka doolar ee uu mushaar ahaanta bil kasta u qaato Senatorka xishoodku ka tagay Maxamed Cali Yusuf (Gaagaab).
Senator Gaagaab iyo shaqsiyaadka la mid ah waa gafanayaal ku naaxay dhiigga reer Muqdisho, waa rag sad-bursi u qooqa, naas-nuujin doonka iyo dhaqaala raadintu madax martay, waa ma dhargayaal aan xishoon oo cid YAC iska tiraahda waayay, waxaana habboon in lagu war galiyo in ay mushaakooda ka keenaan degaannadooda.
Senator Gaagaab kaliya hadalkiisa kuma ekeyn inuu hungurigiisa muujiyo ee wuxuu Muqdisho ku tilmaamay magaalo aan lagu noolaan karin amni ahaan wuxuuna si la yaab leh u sheegay in dhammaan Xildhibaannadii Golayaasha ay amni darro uga carareen caasimadda, taasoo ah farriin u jeeddo fog oo Muqdisho ka dhan ah leh.
Wuxuu Dowladda cusub ee aan afarta bilood gaarin ku eedeeyay in ay amnigii uga dartay, wuxuuna xusay in uusan jirin qof Muqdisho jooga oo gurigiisa ka bixi kara amni darro awgeen, taasoo ah been aan beyd run ka ahayn iyo barabagaando uu ka gadbinayo nidaamka cusub ee Xasan Sheekh hoggaamiyo iyo Caasimadda dalka.
Isku-soo-koob, hadalka Gaagaab wuxuu ahaa mid qabyaaladeed, mana ahayn hadal laga filayay odayga ugu da’da weyn Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, wuxuu ahaa hadal bannaanka keenay daneysiga Puntland iyo damca ku aaddan dhaqaale doonta ee Muqdisho loo yimaado, wuxuuna ahaa hadal loo yiri kas aan geed loogu gamban.
GUULEED FAARAX – KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.