Ma ogtahay in ay Farmaajo ku maqan tahay $1.7 billion

Sida uu xeer hoosaadka Golaha Shacabka dhigayo, waa in xisaab-xirka sanadka, la meel-mariyo ugu dambeyn 31-ka bisha Maarso, hayeeshee, Xukuumadihii kala danbeeyay ee Farmaajo, taas uma suura galin.

Warar Keydmedia Online
Ma ogtahay in ay Farmaajo ku maqan tahay $1.7 billion

MUQDISHO, Soomaliya – Inkastoo Madaxweyniyii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, uu si weyn u gaday, argtida ah, inuu hagaajiyay dhaqaalaha dalka, si daah-furana u maamulay, haddana waxaa taas wax kama jiraan ka soo qaadaya, in ay jeebkiisa ku maqan tahay lacagtii ugu badneyd oo lagu tabo masuul xil ka soo qabtay Soomaaliya  

Farmaajo  wuxuu Madaxtooyada banneynayaa berri ooIsniin ah, isagoo aan wax xisaab-xir ah ka sameyn miisaaniyadihii, 2018, oo aheyd $275 milyan, 2019 oo ahayd $344 milyan, 2020 oo ay gaareysay $476 milyan iyo 2021 oo ahayd $671 milyan, taasoo la micno ah, inuu yahay musuulkii ugu musuqa iyo xoola boobka badnaa tariikhda Soomaaliya.

Isku geyn lacagtaas waa 1.766 billion, oo aan ilaa hadda la aqoon meel ay ku baxday, waxaana xusid mudan in xisaab-xirkii 2017, oo la ansixiyay dhamaadkii 2019, ay ka maqneyd 33 million iyo 700 kun doolar, taasoo buuq ka dhashay awgeed loo kala diray Guddigii Maaliyadda, Golaha Shacabka, si aan Xukuumadda loola xisaabtamin.

Farmaajo, wuxuu ku faanaa inuu la dagaallamay musuqa isla-markaana si daah-furan dib-u-habeyn ugu sameeyay Maaliyadda dalka, waa is-weydiine, haddii daah-furnaan jirtay maxaa diiday inuu xisaab-xir la yimaado? Shan sano iyo dheeraad kadib ugu danbeyn, berri ayaa Madaxtooyada u banneyn doonaa Madaxweynaha dooran ee Xasan Sheekh.

Sida uu xeer hoosaadka Golaha Shacabka dhigayo, waa in xisaab-xirka sanadka, la meel-mariyo ugu dambeyn 31-ka bisha Maarso, hayeeshee, Xukuumadihii kala danbeeyay ee Farmaajo, taas uma suura galin, halka ay sidoo kale ku tunteen, sharciga Maamulka Maaliyadda Qaranka, kaasoo qaba in ugu dambeyn 30-ka June warbixinta Xisaab-xir sanadeedka la horgeeyo Golaha si uu uga doodo una ansixiyo.

Farmaajo, wuxuu malaayiin dollar u adeegsaday soo saaridda Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka 11-aad ee JFS, wuxuu ahaa musharraxa lacagta ugu badan ku bixiyay doorashadii Madaxweynaha, halka, uu burburinta Maamullada, cabburinta shacabka, adeegsiga ciidanka iyo ku duulidda siyaasiyiinta uu galiyay malaayiin kale, lacagtaas waxa ay ka timid miisaaniyadihii Dowladda ee uu xisaab-xirkooda diiday.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.