KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Kadib markii Kalsooni buuxda uu ka helay Baarlamaanka Soomaaliya ayuu Mudane Cabdi Faarax Shirdoon ka hadlay Arimo badan oo Aminiga Dalka iyo la dagaalanka Musuqmaasuqa ku jiro.
“Xukuumadeyda waxay xooga saari doontaa Amniga iyo xasilinta Dalka oo dhan”
“Mudanayaal iyo marwooyin waxaan idiin ballanqaadeynaa in aan la dagaalami doono musuqmaasuqa oo dhan, xukuumada cusub marnaba ma ogolaan doonto musuqmaasuqa” ayuu yiri Cabdi Faarax Shirdoon.
R/wasaraha Soomaaliya ayaa sheegay in Xukuumaddiisu daryeeli doonto Ciidamada Qalabka si loogu guuleysto Xasilinta Waddanka Soomaaliya.
Qodobada ugu horreeya ee ay xukuumaddiisu wax ka qaban doonto ayuu R/wasaaruhu ku sheegay ammaanka oo loo marayo dib u dhiska ciidamada iyo waliba dabooliadda baahida ciidamada iyo daryeelkooda, Ayadoo la xoojinayo horumarka ay hadda sameeyeen ciidamada XDS.
Shalay ayay aheyd markii Mudane Cabdi Faarax Shirdoon ay codka Kalsoonida siiyeen Xildhibaano gaarayay 215-Mudanayaal.
Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.